Weerar Yahanka Reer England Harry Kane Oo Go,aan Adag Qaatay Markuu London Ku Soo Laabtay?

0
Wednesday August 04, 2021 - 09:47:00 in Sports by Hargaysa Office
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Yahanka Reer England Harry Kane Oo Go,aan Adag Qaatay Markuu London Ku Soo Laabtay?

    Weerar Yahanka Reer England Harry Kane Oo Go,aan Adag Qaatay Markuu London Ku Soo Laabtay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Yahanka Reer England Harry Kane Oo Go,aan Adag Qaatay Markuu London Ku Soo Laabtay?



Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa go’aan cusub gaadhay markii uu shalay kusoo laabtay magaalada London oo uu safar kaga maqnaa xilli kooxdiisuna u diyaarisay ganaax maadaama oo ay ahayd inuu tababarka yimaaddo.

Harry Kane ayay ahayd in Isniintii uu kusoo laabto tababarka Tottenham, laakiin laguma arag, waxaanu kusii darsaday Salaasadii oo uu maqnaa, waxaana arrintaas lagu sababeeyey in ay tahay cadaadis uu Spurs ku saarayo inay ka iibiyaan xagaagan, isaga oo rumaysan in ay hore Daniel Levy iskugu ogaayeen ‘in xagaagan la iibiy’ haddii uu yimaaddo dalab macquul ah.


Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in laacibkani uu sii wadi doono in uu ka maqnaado tababarka si uu cadaadiska ugu sii kordhiyo naadigiisa, laakiin hadda xaqiiqo kale ayaa timid, waxaana lagu qasbayaa in uu galo karantiil toban maalmood ah maadaama uu ka yimid Jasiiradda Bahamas oo ku jirto liiska meelaha ‘Khadka cas’ ay gelisay dawladda Ingiriisku.

Tani waxay ka dhigan tahay in Tottenham aanay hadda ku ciqaabi karaynin in uu ka maqan yahay tababarka, laakiin taas beddelkeeda Harry Kane ayaa isaguna qaatay go’aan kale oo cusub.

28 jirkan  ayaa baadhitaan lagu samayn doonaa shan maalmood gudahood, haddii uu taam ka noqdo fayraska Korona, waxa suurtogal ah in loo ogolaado in uu kasoo baxo karantiilka, waxaana uu go’aankiisa cusub yahay in uu joojiyo arrintii muranka dhalisay ee ahayd in aanu kusoo laabanin tababarka.

Telefishanka Sky Sports ayaa sheegay in Harry Kane uu ku laaban doono tababarka Tottenham isagoo wali ku taagan go’aanka ah inuu iska tago, wuxuu se ku riixi doonaa Daniel Levy in uu iibiyo isaga oo la yeelan doona wada-xaajood.

"Kane wuxuu ku laaban doonaa tababarka ka hor dhamaadka toddobaadka si uu ula kulmo guddoomiye Daniel Levy, ugana raadsado qaab ay ku yeeshaan wada-xaajood uu kaga doonayo in loo ogolaado in uu baxo.” Ayuu yidhi telefishanka Sky Sports.

Tottenham ayaa hadda ku adkaysanaysa in aanay u ogolaan doonin Harry Kane in uu tago illaa ay la bixiyo lacag gaadhaysa 187 milyan oo Euro halka Man City ay iyaduna taagan tahay 140 milyan oo Euro iyo in aanay wax ka badan bixin karaynin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS