[Deg Deg:] Cristiano Ronaldo, Oo Heshiiskii Manchester City Ka Baxay Iyo Man United Oo Tartanka Soo Gashay & Yaa Ku Guulaystay?

0
Friday August 27, 2021 - 17:03:22 in News by Warbaahinta Irmaan
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Deg Deg:] Cristiano Ronaldo, Oo Heshiiskii Manchester City Ka Baxay Iyo Man United Oo Tartanka Soo Gashay & Yaa Ku Guulaystay?

    Cristiano Ronaldo, Oo Heshiiskii Manchester City Ka Baxay Iyo Man United Oo Tartanka Soo Gashay & Yaa Ku Guulaystay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo, Oo Heshiiskii Manchester City Ka Baxay Iyo Man United Oo Tartanka Soo Gashay & Yaa Ku Guulaystay?



Waxa soo baxaya warar sheekada in kooxda Manchester United ay daqiiqadihii ugu dambeeyay soo gashay tartanka weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo ay waxkasta tilmaamayeen inuu kusii jeedo dhinaca Manchester City.

Daqiiqado kahor ayay ahayd markii halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka sawir yar oo muujinaya sida qof jees-jeesaya taas oo dhalisay in ay taageerayaasha kooxdaasi u maleeyaan inuu wax og yahay.


Sidoo kale dad kale ayaa qaba in Ronaldo uu kaliya adeegsanayay magaca Man City si uu u qasbo in Man United ay kasoo gudbiso dalab sababaya inuu ku laabto 12 sano kaddib markii uu ka tagay Old Trafford.

Ronaldo ayaa saaka ka urursaday alaabihiisa oo dhan xerada tababarka Juventus isaga oo macasalaameeyay xidigaha uu lasoo wadaagay qolka labiska kooxdaas.

Juventus oo doonaysay inay 21 ilaa 25 Milyan oo pound ku iibiso 36 sano jirkaas ayaa filanaysa in Manchester City ay maanta kasoo gudbiso dalab ciyaaryahanka haddiiba aysan waxba isbedelin.

Ilaa haatan ilaha laga helayo warka sheegaya in Man United ay xilli dambe gashay tartanka Ronaldo ayaan ahayn kuwo aad u xoogan marka lala bar-bardhigo kuwa xusaya inuu ku wajahan yahay Manchester City.

Laacib.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS