Miyuu Cristiano Ronaldo U Ciyaarayaa Man United Kulanka Berri? Kulanka Ugu Horreeya Ee Uu Safanayo Oo La Ogaaday?

0
Saturday August 28, 2021 - 11:41:19 in Sports by Warbaahinta Irmaan
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyuu Cristiano Ronaldo U Ciyaarayaa Man United Kulanka Berri? Kulanka Ugu Horreeya Ee Uu Safanayo Oo La Ogaaday?

    Miyuu Cristiano Ronaldo U Ciyaarayaa Man United Kulanka Berri? Kulanka Ugu Horreeya Ee Uu Safanayo Oo La Ogaaday?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyuu Cristiano Ronaldo U Ciyaarayaa Man United Kulanka Berri? Kulanka Ugu Horreeya Ee Uu Safanayo Oo La Ogaaday?



Kusoo laabashadii Cristiano Ronaldo ee Manchester United Jimcihii shalay ayaa ahayd saxeex kale oo laga sameeyay suuqa xagaagan oo lagu sifeeyay mid mucjisooyinkiisa wata kaddib markii uu hore Lionel Messi ugu biiray Paris Saint-Germain.

Kaddib soo laabashada xiddiga Portuguese-ka ah, waxa jira dhawr su’aalood oo la is weydiinayo oo ay kamid yihiin lambarka uu kooxdaas u qaadan doono iyo wakhtiga uu kulankiisa ugu horreeya ciyaari doono.


Manchester United ayaa berri booqanaysa kooxda Wolves toddobaadka afraad ee horyaalka Premier League laakiin lama filayo in Ronaldo uu kasoo muuqan doono.

Kahor intii uusan ka tagin Juventus ayuu sheegay inuu dhaawac ka gaadhay gacanta waana mid kamida sababaha uu ciyaarta berri ku seegi karo xilli uu dhaawacaasi xataa shaki gelinayo taam ahaanshihiisa kulamada xulka Portugal ee bisha September.

Taas ayaa ka dhigan in ay u badantahay in Ronaldo uu kulankiisa ugu horreeya kahor tagi karo Newcastle United oo ay 11-ka September kusoo dhawayn doonaan gegida Old Trafford.

Dhinaca kale iyadoo uu Ronaldo hore taariikh weyn ugu soo sameeyay maaliyada No.7 ee Manchester United ayaa la filayaa inuu markale codsan doono isla lambarkaas oo uu haatan Edinson Cavani ugu suntan yahay kooxdaasi.

Sidoo kale waxa jirta hadal hayn ah No.28 maadaama oo uu ahaa tiradii uu Ronaldo usoo qaadan jiray kooxdiisii Sporting Lisbon kahor imaatinkiisii Man United.


Laacib.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS