Ronaldo Oo Laga Qaaday Xiddiga Garoonka, Xaqiiooyin Cajiib Ah Oo Laga Diiwaangeliyay Kulankii Old Trafford & Qiimeynta Ciyaartoyda

0
Thursday October 21, 2021 - 09:39:05 in Sports by Hargaysa Office
  • Visits: 998
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo Oo Laga Qaaday Xiddiga Garoonka, Xaqiiooyin Cajiib Ah Oo Laga Diiwaangeliyay Kulankii Old Trafford & Qiimeynta Ciyaartoyda

    Ronaldo Oo Laga Qaaday Xiddiga Garoonka, Xaqiiooyin Cajiib Ah Oo Laga Diiwaangeliyay Kulankii Old Trafford & Qiimeynta Ciyaartoyda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ronaldo Oo Laga Qaaday Xiddiga Garoonka, Xaqiiooyin Cajiib Ah Oo Laga Diiwaangeliyay Kulankii Old Trafford & Qiimeynta Ciyaartoyda



Gool soo daahay uu madaxa ku dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa keentay in Manchester United ay seddex gool ku bedesho labo gool oo ay kaga hormartay Atalanta kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa wareega group-yada Champions League oo ka dhacay Old Trafford.

Shaqada Solskjaer ayaa loo yaabanaa ka dib markii ay Atalanta 2-0 hogaanka ku qabatay qeybtii hore ee ciyaarta ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Mario Palasic iyo Merih Demiral, balse waxaa neefta ka fujiyay Marcus Rashford, Harry Maguire iyo Cristiano Ronaldo.


QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Man Utd: De Gea (7), Wan-Bissaka (7), Lindelof (6), Maguire (7), Shaw (7), Fred (6), McTominay (7), Fernandes (8), Rashford (7), Ronaldo (8), Greenwood (7).

Bedel: Pogba (7), Cavani (6), Sancho (6), Matic (n/a).

Atalanta: Musso (8), Maehle (7), Palomino (8), Koopmeiners (7), Muriel (7), Freuler (6), De Roon (6), Demiral (8), Ilicic (6), Zappacosta (7), Pasalic (7).

Bedel: Lovato (5), Zapata (6), Miranchuk (6), Malinovsky (6), Pezzella (n/a).

XIDDIGA GAROONKA

Bruno Fernandes (Manchester United) Awooda uu u lahaa inuu abuuro sideed fursadood kulankaan ayaa ka dhigeysa geesigii aan loo heesin ee Manchester United. Qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa go’aansatay natiijada ciyaarta.

XAQIIQOOYINKA LAGA DIIWAANGELIYAY KULANKA

Waa markii seddexaad oo ay Manchester United badiso kulan Champions League ah oo looga hormaray labo gool ama wax ka badan, ma jirto koox kale oo sidaas sameysay tartankaan, waxayna isku mid yihiin Arsenal oo iyaduna seddex jeer sidaas sameysay.

Man United waxaa shabaqa laga soo taabtay mid kasta oo ka mid ah 12kii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda ku ciyaareen tartamada oo dhan, markii ugu danbeysay ee ay sidaan ku dhacdo waxay aheyd bishii Febraayo 1964 markaasoo ay soo martay 13 kulan isku xigta oo ay Old Trafford shabaqa ku ilaashan waayeen.

Atlanta ayaa 2-0 ku hogaamineysay ciyaarta ka dib daqiiqadii 28aad, waa kooxdii labaad ee si dhaqso ah hogaan 2-0 ku qabata iyadoo ku ciyaaresa Old Trafford tartanka Champions League. Waxaa ka horeysa kaliya Braga oo bishii October 2012 20 daqiiqo gudaheed hogaan 2-0 ku qabatay. Manchester United ayaa kulankaas sidoo kale ku badisay 3-2.

Goolkii Marcus Rashford wuxuu ahaa goolkii 300aad ee Manchester United ay dhaliso tartamada oo dhan intii uu tababare u ahaa Ole Gunnar Solskjaer, iyadoo Rashford uu sidoo kale dhaliyay goolkii koowaad ee waayaha Solskjaer bishii December 2018.

Bruno Fernandes ayaa abuuray sideed fursadood kulankii xalay, waa ciyaaryahan kaliya ee Manchester United ee fursado intaas la eg abuura hal kulan oo Champions League ah tan iyo 2003-04.


Laacib.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS