[ XOG- ]Maamulka Cusub Ee Burco Oo Shaqaalihi Ugu Badnaa Eryay Iyo 2 Talaabo Halis Ah Oo Ay Ku Kaceen?

0
Tuesday May 07, 2024 - 13:25:46 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [ XOG- ]Maamulka Cusub Ee Burco Oo Shaqaalihi Ugu Badnaa Eryay Iyo 2 Talaabo Halis Ah Oo Ay Ku Kaceen?

    Maamulka Cusub Ee Burco Oo Shaqaalihi Ugu Badnaa Eryay Iyo 2 Talaabo Halis Ah Oo Ay Ku Kaceen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Cusub Ee Burco Oo Shaqaalihi Ugu Badnaa Eryay Iyo 2 Talaabo Halis Ah Oo Ay Ku Kaceen?


Burco [Irmaan News] Maamulka cusub ee loo doortay magaaladda Burco, ayaa durba qaaday waddo qodxo badan leh ka dib markii ay ku dhaqaaqeen labo qodob oo waxyeelo weyn u geysanaya shaqada dawladda hoose

Tiradii ugu badnaa ee shaqaale ah ayaa laga eryay dawladda hoose waxaana nidaamkii maamul awood maroorsaday xubno ay maayirka cusub isku deegaan yihiin

Shaqaalaha la eryay ayaa isugu jira kuwo maauirka iyo ku xigeenka ba la hayb ah waxaana sidoo kale la eryay shaqaale si mutadawacnimo ah uga shaqayn jiray nadaafada habeenkii ee magaalada kuwaas oo lacag guno ah si dul ka xaadis ah loo siin jiray


Xogaha warbaahinta Irmaan News, heshay ayaa xaqiijinaya in xildhibaanada golaha deegaanka iyana laga joojiyay shidaalkii ay xaqa u lahaayeen marka laga tago xubnaha fulinta

Ciidamada kala duwan ee amniga gobolka togdheer, oo hawlgalada amniga dawlada hoose kala shaqayn jirtay ayaa iyagana la joojiyay shidaalkii ay qaadan jireen

Shaqaalaha dawladda hoose oo kooban ayaa intii soo hadhay waxa la siiyay amaro iyo fariimo cagojuglayn u badan

Maamulka cusub ee xilka la wareegay ayaa waxa isa soo taraya durba dhaliilaha loo jeedinayo iyada oo lagu eedaynayo in warbaahinta ay saaxiib la noqdeen

Isha Xogta - Irmaan News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS