Wasiir Faratoon Oo Olole Ka Bilaabay Gobolka Sool Iyo Loolan Adag Oo Taagan?

Thursday February 25, 2021 - 17:09:54
Wasiir Faratoon Oo Olole Ka Bilaabay Gobolka Sool Iyo Loolan Adag Oo Taagan?


Wasiir Faratoon oo bilaabay Olole uu ku hananaayo codadka shacabka Sool si uu ugu guuleysto doorashada Golaha wakiilada waxaa cagaf cafag lagu qodaayo beeraha uu gaadhsiiyay Beeralayda deegaanka Dalyare ee gobolka Sool.

Deegaanka Guumays ayuu wasiirku kula kulmay Dadka barakacayaasha ah ee degan Deegaankaasi isaga oo ku wareejiyay Afar Neef oo Geella.

 Wasiirku wuxuu ku wareejiyay tiro Booyado biyo ah oo lagu yarayn doono baahida biyeed ee deegaanka Guumays iyadoo hore uu wasiirku deegaanadaasi u keenay booyad weyn oo u dhaamin doonta biyaha dadka ku dhaqan deegaanada gobolka Sool.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay shacabka deegaanka Shululux ay baaq biyo la'aaneed  direen Wasiirka isagoo kaga jawaabay baaqaas ayuu amray in la bilaabo qoditaanka ceel biyood Riig lagu qodaayo oo biyo macaan leh.

Ugu danbayn Wasiirka ayaa shacabka deegaanadaasi ku wargaliyay in ay Dhaqso u fulin doonaan mashaariico badan oo laga hirgalinayo deegaanadaasi uu wasiirku kormeerka ku marayay waxaana mashaariicdaasi uu dhagax dhigay Wasiirku waxa ka mid ah Ceel biyood ay yeelan doonto degmada Guumays.

Kooxaha Dhalinyarada ee Ciyaaraha Degmada Guumays ayaa sidoo kale uu Wasiirku ku wareejiyay qalab Ciyaareed.

Wasiir Faratoon ayay tartan adag oo dhanka Doorashada golaha Wakiilada Somaliland ku loolamayaan Gudoomiye Ku xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif.