Weftigii Ugu Cuslaa Somaliland Oo Hargaysa Ka Dhoofay Iyo U Jeeddada Kulankooda Oo La Shaaciyay?

Monday April 11, 2022 - 22:09:42
Weftigii Ugu Cuslaa Somaliland Oo Hargaysa Ka Dhoofay Iyo U Jeeddada Kulankooda Oo La Shaaciyay?



Hargaysa [Irmaan News] Wefti ka socda somaliland, ayaa u dhoofay dalka Kenya

Weftiga oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda somaliland Ciise Kayd, ayaa waxa ku weheliya xubno wasiiro xukuumadda madaxweyne Biixi ka tirsan

Weftiga ayaa dalka Kenya u tegaya sidii ay ugala hadli lahaayeen inay gurmad iyo taakulo ay ka helaan isla markaana ay uga warramaan baaxada dabkii ka kacay suuqa waaheen ee magaaladda Hargaysa

Weftiga ayaa waxa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, wasiir ku xigeenka maaliyadda, wasiirka qorsheynta, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo maayirka caasimadda Hargaysa

Wararka ay helayso Irmaan News, ayaa xaqiijiyay in inta weftiga ay joogaan Kenya ay la kulmi doonaan hay'addaha caalamiga ah ee xaruntoodu tahay Nairobi
Dalal badan ayaa gurmad dhaqaale ka galay sidii ay caawimo uga geysan lahaayeen dabkii gubay suuqa Waaheen

Dawladda Jabuuti, Itoobiya Iyo Soomaaliya ayaa doorweyn ka qaatay gurmadka iyo taakulada suuqii gubtay ee Waaheen .

Isha Xogta:- Irmaan News