[ Deg Deg:-] Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Diiday Inay Ansixiyaan Wasiir Madaxweyne Biixi Magacaabay?

Tuesday August 22, 2023 - 11:14:02
Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Diiday Inay Ansixiyaan Wasiir Madaxweyne Biixi Magacaabay?


Hargaysa [ Irmaan News ] Golaha wakiiladda somaliland, ayaa diiday inay aqbalaan mid ka mid ah wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Biixi

Mudanayaasha golaha wakiiladda somaliland, ayaa diiday inay ansixiyaan wasiirnimada Cali Xoor-Xoor, oo madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay wasiirka Shaqada, Qoyska iyo arrimaha Bulshadda

30 xildhibaan ayaa diiday, taas oo ah aqlabiyada mudanayaashii kal-fadhiga joogay

Lama oga sababta loo diiday balse wasiirka ayaa ka mid ah xubno ka soo cadhooday shirkii Kulmiye, ee ka dhacay Burco

Diidmada mudanayaasha ayaa sidoo kale ah fariin loo dirayo xubno tiro badan oo golaha u haysta in aanay awood lahayn .

Isha Xogta:- Irmaan News