Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Oo Kulmay?

Saturday September 23, 2023 - 15:20:35
Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Oo Kulmay?
Weftiga ka socda Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Masuulin ka socdey Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale.

Weftiga ka socdey Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa hoggaaminayey Hogaanka Nabadgalyada ee Dawladda Degaanka Mudane Dayib Axmed, ahna kusimaha Madaxweynaha Dawlad Degaanka ay wehelinayaan dhamaan Laamaha Nabadgalyada ee  Dawlad degaanka.

Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka socdey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil, Taliyaha  Kuxigeenka Hay'adda Nabadsugida Qaranka, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha Gobolka Gebilay iyo Maamulka Wajaale.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay wada shaqaynta labada Dawladood, sida amniga, ganacsiga, isu-socodka iyo in ay labada dhinaca iska kaashadaan dadka denbiyada ka soo gala labada dalka. Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham iyo in la sii xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.