Xiisad Adag Oo Ka Taagan Laascaanood Iyo Dhalinyaro Hub Lagu Qabtay?

Monday October 02, 2023 - 07:51:38
Xiisad Adag Oo Ka Taagan Laascaanood Iyo Dhalinyaro Hub Lagu Qabtay?


Laascaanood [ Irmaan News ] Ciidan la magac baxay xasilinta Laascaanood, ayaa soo qabtay kooxo ay ku qabteen Hub kuwaas oo ay sheegeen inay u gudbiyeen laamaha garsoorka

Ciidanka laga aas aasay magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool, ayaa lagu sheegay inay amniga magaaladda sugayaan iyaga oo gacanta ku dhigaya cida magaaladda qori la dhex-maraysa

Hawl-galo ay sameeyeen ayay ku soo qab-qabteen dhalinyaro hub lagu qabtay kuwaas oo ay sheegeen in hay'adaha cadaalada la hor-geyn doono

Magaaladda Laascaanood, ayaa sidii ay uga baxeen ciidanka somaliland, waxa ay ku dhawaaqeen inay maamul madax bannaan yihiin kaas oo lagu magacaabo SSC -Khaatumo

In kasta oo aanay jirin cid si gaara u aqoonsatay maamulkooda hadana waxa labada dhinac ka xiga maamulka puntland iyo somaliland, oo iyadu horumar baaxad leh ku fulisay magaaladaasi muddadii ay maamulkeeda gacanta ku haysay


Isha Xogta :- Irmaan News