[ XOG -] Madax Dhaqameedkii Muqdisho Ka Yimi Oo Ku Guul-daraystay Inay Garaaddada Gobolka Sool Ku Qanciyaan Nabadda?

Wednesday July 12, 2023 - 11:14:35
Madax Dhaqameedkii Muqdisho Ka Yimi Oo Ku Guul-daraystay Inay Garaaddada Gobolka Sool Ku Qanciyaan Nabadda?



Hargaysa [ Irmaan News] Madax dhaqameedkii ka yimi magaaladda Muqdisho oo bilihii ugu danbeeyay ku sugnaa somaliland, ayaa ku guul-darraystay inay xal ka gaadhaan dagaalka Laascaanood

Madax dhaqameedka oo kalsooni ka haysta dawlada soomaaliya Iyo xukuumadda somaliland, ayaa waayay kalsoonida garaaddada oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee ay la kalmaan

Garaaddada Laascaanood, ayaa diiday inay ogolaadaan inay qaataan nabada isla markaana xal la gaadho si loo soo af-jaro xiisada taagan

Ilo wareedyo ayaa Irmaan News u xaqiijiyay in la filayo in madax dhaqameedku Muqdisho dib ugu laabtaan madaama ay dhinacii garaaddada wax kalsooni ah ka waayeen

Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa eedaymo adag u jeediyay dawlada federaalka ee soomaliya, wuxuuna si cad u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Bare, ay la safteen somaliland

Dagaalka Laascaanood, ayaa salka ku haya Is-diidooyin siyaasadeed kuwaas oo u dhaxeeya somaliland, soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland .

Isha Xogta:- Irmaan News