[ XOG -] Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Labo Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Somaliland?

Monday October 02, 2023 - 10:02:13
Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Labo Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Somaliland?




Hargaysa [ Irmaan News ] Xukuumadda somaliland, ayaa xabsiga dhigtay labo askari oo ka tirsan ciidanka somaliland

Labadda askari oo ahaa kuwo caan ka ah barta tiktok isla markaana mudooyinkii ugu danbeeyay mid ka mid ah waraysiyo bixinaayay ayaa hada xabsiga ku jirra

Labada askari oo lagu kala magacaabo Luqmaan yare, iyo Maxamed Ardaa

Luqmaan yare, ayaa ka mid ahaa dhalinyartii aadka uga cadhaysiiyay ciidanka somaliland ka soo hor-jeeday ee ku sugnaa Laascaanood

Labada dhalinyarada ah ayaa lagu xidhay xarunta ciidanka somaliland, ee birjeex, waxaana lagu haystaa muuqaallo aan wanaagsanayn oo ay baraha bulshada ku baahiyaan kuwaas oo nusqaan ku ah ciidanka qaranka

In kasta dhalinyarta la xidhay dedaalo badan u galeen qarankooda hadana waxa mudan in khaladaadka ka dhaca lagu saxo wanaagyadii hore ay ugu qabteen qarankooda aanay meelay dhaafsadaan jirin


Isha Xogta :- Irmaan News