[ XOG -] Kulamo Qarsoodi Ah Oo Musharax Cirro Ku Galay Burco Iyo Ceerigaabo & Muxuu La Wadaagay Taageerayaashiisa?

Tuesday August 08, 2023 - 07:50:38
Kulamo Qarsoodi Ah Oo Musharax Cirro Ku Galay Burco Iyo Ceerigaabo & Muxuu La Wadaagay Taageerayaashiisa?



Ceerigaabo [Irmaan News] Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi "Cirro", ayaa kulamo la qaatay taageerayaashiisa ku sugan Togdheer

Kulamadda oo ahaa kuwo qarsoodi ah ayaa sidoo kale wuxuu kulamo la qaatay xubno ka mid ah madax dhaqameedka deegaanka uu ka soo jeedo isaga oo kala hadlaayay xaalada khilaafka doorashooyinka

Musharax Cirro, ayaa safar ugu baxay magaaladda Ceerigaabo, ee xarunta gobolka sanaag wuxuuna kulamo la qaadan doona taageerayaasha xisbiga kuwaas oo ugu sheegayo mowqifka xisbiga iyo go,aankiisa shikhsiga ah

Ilo wareedyo ayaa Irmaan News, u xaqiijiyay in musharaxu diyaar u yahay inuu galo doorashadda isla markaana looga gudbo doorashadda madaxtooyadda taas oo u baahan hawl adag iyo abaabul xoogan

Rajo xun lagama qabo xisbiga Waddani, inuu ku hadho tartanka ururada hadaan siyaasad xumo helin balse waxa la hubaa inuu yahay xisbi taageero balaadhan haysta isla markaana jaanis fiican haysta

Qaar ka mid ah madax dhaqameedka somaliland, ayaan weli ka rajo dhigin Dedaalo nabadeed oo ay wadaan kuwaas oo ay rabaan in xasiloonida dalka ay dib ugu soo noqoto si deganaan ah isla markaana xurgufaha jira lagu dhameeyo isfaham iyo isu tanaasul .

Isha Xogta:- Irmaan News