Hargaysa [Irmaan News] Wiil dhalinyaro oo ku nool magaaladda Berbera ayaa lagu xidhay amar ka soo baxay wasiir ku sugan Hargaysa
Diini Cabdilaahi Cawad, ayaa maalintii shanaad xabsiga u hoyanaya ka dib amar la siiyay taliyaha booliska oo wiilkaasi xabsiga dhigay
Wasiirka biyaha somaliland Cali Mareexaan, ayaa xidhay Diini, kaas oo dhibsaday aragtiyo uu kaga fal-celiyay baraha bulshadda
Ilo wareedyo Irmaan news, la hadlay ayaa xaqiijiyay xadhiga wiilka dhalinyarada oo ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil
Lama oga sababta wasiirku uga gubanayo in aragtida dastuurku damaanad qaday uu xaqdhawro balse wasiirka ayaa lagu tilmaama inuu ka mid yahay shikhsiyaadka caban ee aadka u isticmaala baraha bulshada