Dawlada Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay In Dagaalka Itoobiya Ciidanka Soomaaliyeed Ku Jiraan.

0
Tuesday December 01, 2020 - 10:12:41 in News by Warbaahinta Irmaan
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay In Dagaalka Itoobiya Ciidanka Soomaaliyeed Ku Jiraan.

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay In Dagaalka Itoobiya Ciidanka Soomaaliyeed Ku Jiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay In Dagaalka Itoobiya Ciidanka Soomaaliyeed Ku Jiraan.
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ciidamo Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda waqooyiga dala Ethiopia ee u dhexeeya ciidamada qaranka Ethiopia iyo jabhadda TPLF ee Tigreega.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wax laga weydiiyay arrintan, ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ku saabsan in ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay dagaalka Ethiopia.


"Wax caqligal ma ahan, anaga ayaa u baahan ciidamadeenna in ay ka howgallaan dalkooda oo amniga sugaan, ma jirto sabab nagu kalifi karta in aan ciidamadeeda u dirno Ethiopia,’ ayuu yiri wasiirku.

Dhinaca kale, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin saameynta Soomaaliya uga imaan karta colaada Ethiopia.

Dhawaan, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar lagusoo siiyay dalka Eritrea, ay ka dhinac dagaalamayaan ciidamada Ethiopia ee dagaalka kul jira TPLF.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS