Diyaaradda Itoobiya Airline, Oo Ku Kacday Talaabo Dawladda Soomaaliya Ka Cadhootay Oo Somaliland Guul Weyn U Ah!

0
Tuesday January 09, 2024 - 09:26:07 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradda Itoobiya Airline, Oo Ku Kacday Talaabo Dawladda Soomaaliya Ka Cadhootay Oo Somaliland Guul Weyn U Ah!

    Diyaaradda Itoobiya Airline, Oo Ku Kacday Talaabo Dawladda Soomaaliya Ka Cadhootay Oo Somaliland Guul Weyn U Ah!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradda Itoobiya Airline, Oo Ku Kacday Talaabo Dawladda Soomaaliya Ka Cadhootay Oo Somaliland Guul Weyn U Ah!


 

Hargaysa – Irmaan News – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inay la kulmayaan cadaadis uga imanaya dalalka caalamka kaas oo la xidhiidha heshiiska ay la galeen Somaliland

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa dedaal ku bixinaya sidii heshiiskan u dhaqan geli lahaa isla markaana uu u noqon lahaa mid meel mar ah

 

Dhanka Somaliland, masuuliyiin ayaa ka walaacsan heshiiska kuwaas oo ay ka mid yihiin xubno xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ka tirsan

 

Wasiirkii gaashaandhiga Somaliland, ayaa is-casilay ka dib markii uu sheegay inaanu ku qanacsanayn heshiiska Itoobiya lala galay

 

In kasta oo dadka qaar ku dhaliilayaan wasiirka in dawladda Jabuuti, ay saameyn weyn ku leedahay is-casilaadiisa isla markaana isagu ba qiray inuu xidhiidh la leeyahay eheladiisa Jabuuti taas oo micno kala duwan loo fasirtay

 

Diyaaradda Itoobiya Airline, ayaa si dhab ah u aqoonsatay Somaliland, waxaana ay bedeshay booqashadii ahayd Hargaisa- Somalia iyada oo ka dhigtay Hargeisa-somaliland

 

Calanka Somaliland, ayaa lagu bedelay calankii soomaaliya taas oo ah talaabo aad u weyn oo bogaadin mudan madaama diyaaradu tahay mid dunida oo dhan safar u gasha

 

Heshiiska Somaliland, la gashay Itoobiya, ayaa dhabaha u xaadhaya aqoonsigii muddada dheer aanu raadinaynay taas oo iminka u muuqata mid dhabihiisii la qaaday

 

Dawladaha jaarka ee Itoobiya iyo afrika ayaa ka xumaaday cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana ay la safteen qaar ka mid ah dawlada soomaaliya, oo guul darro siyaasadeed dhabarka loo saaray taas oo u qaadan waa ku noqotay 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS