Madaxweynaha Puntland Iyo Isimada Dhaqanka Laascaanood Oo Shir U Socdo?

0
Tuesday December 05, 2023 - 17:14:12 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Iyo Isimada Dhaqanka Laascaanood Oo Shir U Socdo?

    Madaxweynaha Puntland Iyo Isimada Dhaqanka Laascaanood Oo Shir U Socdo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Iyo Isimada Dhaqanka Laascaanood Oo Shir U Socdo?


 Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdilaahi Denni, ayaa waxa kulan la qaatay isimada dhaqanka ee magaaladda Laascaanood, kuwaas oo magaaladda Garoowe, u tegay inay dejiyaan xiisada ka taagan muranka doorashooyinka


Kulanka oo ka socda madaxtooyada maamulka puntland, ayaa ah mid warbaahintu dibad joog ka tahay isla markaana aan loo ogolayn



Isimada dhaqanka ayaa la kulmay mucaaradka waxaana ay ka shaqaynayaan inay xaalada dejiyaan isla markaana waxa ay qorshaha ay wadaan ka dhaadhacinayaan madaxweyne Denni


Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay inay ka go,an tahay inuu qabto doorasho qof iyo cod ah isaga oo rumaysan in xiliga hadii ay dhici waydo aanay weligeed la qabanayn


Mucaaradka maamulkaasi ayaa ku hanjabay inay dagaal kala hor-tegi doonaan hadii madaxweyne Denni, ku adkaysto inuu doorasho qof iyo cod qabto waxaana ay taageersan yihiin in nidaamkii odayaasha lagu soo xulo doorashada ku soo fool leh maamulkaasi


Irmaan News




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS