XOG BUUXDA: Halkan Ka AKHRISO Waxkasta Oo Uu Lionel Messi Ku Yidhi Shirkii Uu Barcelona Ku Macasalaameeyay

0
Sunday August 08, 2021 - 15:07:10 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG BUUXDA: Halkan Ka AKHRISO Waxkasta Oo Uu Lionel Messi Ku Yidhi Shirkii Uu Barcelona Ku Macasalaameeyay

    AKHRISO Waxkasta Oo Uu Lionel Messi Ku Yidhi Shirkii Uu Barcelona Ku Macasalaameeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKHRISO Waxkasta Oo Uu Lionel Messi Ku Yidhi Shirkii Uu Barcelona Ku Macasalaameeyay

Waxa si rasmi ah u bilaabmay shirka jaraa’id ee Lionel Messi uu qabanayo maanta ee uu ku macasalaamayn doono jamaahiirta kooxdii uu usoo ciyaarayay noloshiisa oo dhan kaddib markii Khamiistii la shaaciyay warka ah inuusan sii joogi karin.


Barca ayaa shaacisay in Leo uu iskaga hayaami doono Camp Nou oo uu 21 sano soo joogay, warkaas dunida gilgilay ee lama filaanka ahaa ayay sababtiisa ku sheegtay inaysan dhaqaale ahaan awoodin sharciguna u ogolaanayn inay sii haysato

Image

Aan ku bilawnee Messi ayaa ugu horreynba sheegay inay ka dhaadhacsanayd inuu sii joogayo kooxda oo uu gurigiisa ku sifeeyay isla markaana uu haatan macasalaamaynayo.



"Waxaa iga dhaadhacsanayd inaan halkan joogayo Barcelona, kani waa gurigayga, waa gurigeena, waxaan doonayay inaan Barca joogo sidaas ayuuna ahaa qorshuhu….maantana waa inaan macasalaama idhaahdo kaddib noloshayda oo dhan oo aan halkan joogay” ayuu ugu horreynba yidhi Messi.


Leo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Heshiiskayga cusub dhammaan waa la dhammeeyay, dhammaan waa la dhammeeyay , waxaan doonayay inaan joogo waxaanan kasoo laabtay fasaxa, wuu dhammaystirnaa”


"Kaddib waa sidii uu Laporta ku sharaxay, daqiiqadii ugu dambaysay waxkasta oo ka jiray La Liga, heshiisku muu dhici karayn”


Markana Messi oo afkiisa ka xaqiijinaya inuu PSG ku biiri karo ayaa yidhi "Paris Saint-Germain waa suurogal, haa haatan waxba lama xaqiijin, waxaan helay wicitaano badan kaddib warbixintii Barcelona, waanu ka hadlaynaa’


"Anigu dhab ahaan waan murugaysanahay sababtoo ah maan doonayn inaan ka tago kooxdan, waan jeclahay Barcelona waxaanan doonayay inaan joogo, heshiiskaygu wuxuu ahaa mid diyaar ah, waxaan sameeyay waxkasta oo suurogal ii ah si aan u joogo”


Messi oo markan la weydiiyay haddiiba jamaahiirta sawir been ah la tusay oo mudo been lagu maaweelinayay ayaa ku jawaabay "Qaybtayda, marnaba iskumaan dayin inaan cid khiyaamo”


Dhinaca kale Messi oo ka hadlaya sawirkii uu dhawaan la galay xiddigaha PSG iyo haddii uu qorshe hore jiray ayaa yidhi "Sawirkii Paris Saint-Germain waxa uu ahaa wax isku beegmay gabi ahaanba, waxaan halkaas la joogay asxaabtayda, waxaanu go’aansanay inaanu sawir galno….waxay igu yidhaahdeen "Kaalay Paris”, laakiin kaliya kaftan ayuu ahaa, fasax ayaanu ku jirnay”


 

Messi oo ka hadlaya inuu ku jiro wakhtigii ugu adkaa xirfadiisa oo dhan ayaa yidhi "Kani waa wakhtigii ugu adkaa waayahayga ciyaareed, waxaan soo maray wakhtiyo badan oo adag balse kaddib tababarka ayaan ku laaban karayay waanan aarsanayay wakhtigaas, haatan ma laaban karo,wakhtigaygii kooxdani wuu soo dhammaaday”

Messi oo ka hadlaya wararka sheegaya in mushahar dhimis kale ay kooxdu weydiisatay Khamiistii ayaa yidhi "Wararka sheegaya in Barca iyo Laporta ay i weydiiyeen mushahar dhimis 30% ah Khamiistii gabi ahaanba waa been abuur, waa been, waxaan ku baaqay inaan mushaharkayga 50% dhimo kaddib waxkale imay weydiin”

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image


Laacib.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS