Sababta Ay Manchester United Ugu Faraxsan Tahay Heshiiska Lionel Messi Iyo PSG Oo La Sharraxay

0
Wednesday August 11, 2021 - 09:14:27 in Sports by Hargaysa Office
  • Visits: 955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta Ay Manchester United Ugu Faraxsan Tahay Heshiiska Lionel Messi Iyo PSG Oo La Sharraxay

    Sababta Ay Manchester United Ugu Faraxsan Tahay Heshiiska Lionel Messi Iyo PSG Oo La Sharraxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta Ay Manchester United Ugu Faraxsan Tahay Heshiiska Lionel Messi Iyo PSG Oo La Sharraxay

Manchester United ayaa ku faraxsan heshiiska xorta ah ee ay kooxda reer France ee PSG la gashay Lionel Messi oo Salaasadii maanta gaadhay magaalada Paris.


PSG ayaa heshiis laba sannadood ah oo uu la socdo sannad kale oo dookh ah waxay la gaadhay Messi oo noqonaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxdaas, isaga oo ka sarrayn doona Neymar iyo Kylian Mbappe.

messs

Warbaahinta ayaa helaya xogo kala duwan oo la xidhiidha mushaharka uu qaadanayo Lionel Messi. Wargeyska The Sun ayaa sheegay in uu laacibkani £650,000 Gini oo mushahar ah qaadan doono toddobaadkii, laakiin wargeyska kale ee Daily Mail ayaa isagana ay ilo-wareedyo u sheegeen in mushaharka uu laacibkani qaadayo toddobaadkii uu yahay £1 milyan oo Gini, hase yeeshee PSG ayaa laga sugayaa faahfaahinta rasmiga ah.



Kooxda Ingiriiska ah ee Manchester United ayaa heshiiskan ka dhex aragtay danteeda, waxaanay ku faraxsan tahay in Lionel Messi uu tago PSG, iyadana ay sidaas dan ugu jirto.


Sababta ay ugu faraxsan tahay Manchester United heshiiskan ayaa waxay tahay, in kooxda Faransiiska ah ee PSG aanay awoodi doonin in ay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Man United ee Paul Pogba maadaama ay xiddigo kale oo waaweyn la wareegeen, isla markaana mushaharkooda ciyaaryahannadeedu aad u batay.


 
Paul Pogba oo qandaraaskiisa Manchester United ay ka hadhsan yihiin 10 bilood oo kaliya, iskana diiddanaa in uu heshiis cusub saxeexo ayaa lala xidhiidhinayay in uu tegayo PSG oo u gacan haadinaysay, waxaana la rumaysnaa in xagaagan ay kooxda Faransiisku ku dedaali doonto in ay qaadato Pogba amaba ay xagaaga dambe si xor ah kula wareegi doonto.

Laakiin 28 jirkan oo usbuucii mushahar u qaata £290,000 Gini ayaa hadda sii joogi doona Manchester United maadaama uu ka xidhmay dariiqii uu ku tegi lahaa PSG oo aanay kooxdaasi la saxeexan karaynin.


Laacib.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS