"Heshiis Cusub Ma Saxeexayo, Waxaan Ku Biirayaa Real Madrid!!"

0
Friday August 20, 2021 - 14:14:13 in Sports by Warbaahinta Irmaan
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Heshiis Cusub Ma Saxeexayo, Waxaan Ku Biirayaa Real Madrid!!"

    "Heshiis Cusub Ma Saxeexayo, Waxaan Ku Biirayaa Real Madrid!!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Heshiis Cusub Ma Saxeexayo, Waxaan Ku Biirayaa Real Madrid!!"

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa u sheegay madaxweynaha kooxdaas ee Nasser El Khelaifi inuusan sii joogayn kooxda sida uu sheegayo wargeyska Talyaaniga ah ee ‘La Gazzetta dello Sport’.


Mbappe ayaa u muuqda mid haatanba hal lug kala sii baxay PSG isaga oo si wacan u garanaya mustaqbalkiisa iyo waxa uu ka yeelayo sii joogista Parc des Princes.

Al-Khelaifi, fed up and angry, warns Madrid: "We will never sell Mbappé" - Archytele

Mbappe ayaa doonaya inuu u ciyaaro koox uu isagu xiddiga hoggaamiya u noqdo waana wax uusan helayn inta uu Lionel Messi iyo Neymar kula ciyaarayo Paris Saint-Germain.



Khamiistii shalay ahayd ayuu ‘La Gazzetta dello Sport’ boggiisa hore ku daabacay kulan dhex maray Mbappe iyo Nasser markaas oo uu 22 sano jirka French-ka ahi ugu caddeeyay go’aankiisa bixitaan.


Mbappe ayaa u sheegay El Khelaifi inaysan jirin wax fursad ah oo uu heshiis cusub ugu saxeexayo kooxda isla markaana uu Real Madrid doonayo, "Waxaan doonayaa inaan Madrid tago, heshiiska ma cusboonaysiinayo” ayay ahaayeen erayada lagu qoray bogga horfe ee ‘La Gazzetta dello Sport’.


Si kastaba, Kylian ayaa jawaab uusan ku qancin ka helay Nasser oo u sheegay inuusan u ogolaan doonin inuu baxo xagaagan maadaama oo ay isku dayayaan inay ugu dambayn Champions League ku guuleystaan sanadka 2022.


 

Mbappe ayaa go’aanka madaxweynaha kooxdiisa u arka mid ballan ka bax ah maadaama oo sanadkii 2017 markii uu kooxda kusoo biirayay loo ballan-qaaday inaan bixitaan laga hor istaagi doonin.


Laacib.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS