Ciyaar Xiiso Leh Oo U Dhaxaysa Kooxaha Liverpool VS Burnley - Shaxda Labadda Koxood?

0
Saturday August 21, 2021 - 10:27:44 in Sports by Hargaysa Office
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaar Xiiso Leh Oo U Dhaxaysa Kooxaha Liverpool VS Burnley - Shaxda Labadda Koxood?

    Ciyaar Xiiso Leh Oo U Dhaxaysa Kooxaha Liverpool VS Burnley - Shaxda Labadda Koxood?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaar Xiiso Leh Oo U Dhaxaysa Kooxaha Liverpool VS Burnley - Shaxda Labadda Koxood?



Liverpool ayaa kulankeedii ugu horreeyey xilli ciyaareedka 2021-22 waxay ku ciyaaraysaa garoonkeeda Anfield oo ay waqtiga qadada ee maanta ku martigelinayso Burnley, iyagoo raadinaya guushii labaad ee fasalkan.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu toddobaadkii hore 3-0 kusoo karbaashtay Norwich City oo ay marti u ahayd, halka Burnley ay lasoo kulantay guul-darro iyadoo garoonkeeda joogta, waxaana 2-1 ku garaacday Brighton.


Mohamed Salah oo dhaliyey mid ka mid ah goolashii saddexda ahaa ee kooxdiisa ciyaartii Carrow Road ayaa isku qoray taariikhda Premier League, isagoo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee shan xilli ciyaareed oo xidhiidh min halkii ciyaar ee lagu furay horyaalka ka dhaliyey goolal, waxaana labada gool ee kale ku daray Diogo Jota iyo Roberto Firmino.

Xaqiiqooyinka iyo rikoodhada labada kooxood

• Burnley ayaa ahayd kooxdii musiibada u horseedday Liverpool xilli ciyaareedkii hore ee ka jabisay rikoodhkii 68ka ciyaarood ahaa ee aan lagaga badinin Anfield, waxaanay kooxdan oo marti u ahayd Reds ay si lama filaan ah 1-0 ugu soo garaacday Liverpool oo joogtay garoonkeeda Anfield. Burnley oo lagu naanayso Clarets waxay maanta u dagaallami doonaan in ay guushii labaad oo xidhiidh ah Liverpool kaga soo gaadhaan Anfield markii u horreysay taniyo xilli ciyaareedyadii 1984-85 iyo 1996-87.

• Liverpool ayaa 10 jeer garaacday Burnley 14 ciyaarood oo ay iskaga hor yimaaddeen horyaalka Premier League, afarta kalena laba waxa badisay Burnley, halka labada kalena ay barbarro ku kala baxeen. Clarets oo guul-darro la kulanta maanta, waxay Liverpool noqon doontaa kooxdii guul-darrooyinkii ugu badnaa taariikhda u xambaarisa kooxdan, waxaanay dhaafaysaa Arsenal, Chelsea iyo Man City oo min 10 ciyaarood badiyey.

• Liverpool oo ay hal koox ahi laba guul-darro oo isku xiga ugu xambaariso garoonkeeda Anfield waxa ugu dambaysay xilli ciyaareedyadii 2014-15 iyo 2016-17 oo ay Crystal Palace saddex jeer ka badisay. Alan Pardew oo hoggaaminayay Palace ayaa laba jeer oo isku xiga ku garaacay Anfield, waxaanu sidaas ku noqday tababarihii ugu horreeyey ee Ingiriis ah ee laba jeer Reds kaga badiya garoonka.

• Liverpool saddex mar oo kaliya ayaa kulanka ugu horreeya xilli ciyaareedka lagaga badiyey garoonkeeda Anfield muddo 55 sannadood ah, siddeeddii sannadood ee u dambeeyeyna way ku wada guuleysatay kulankii ugu horreeyey ee xilli ciyaareedka. Guul-darradii ugu dambaysay ee kasoo gaadha ciyaar noocan ah waxay ahayd 2003-04 oo ay Chelsea kaga badisay 2-1, waxaana xilligaas Reds tababar u ahaa Gerard Houllier.

• Liverpool waa kooxda ugu badan ee haysata guulaha xidhiidhka ah waqtigan, lagamana soo badinin 11-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, halka kooxaha kale ay khasaare la kulmeen dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore. 11-kaas ciyaarood waxay Liverpool kasoo urursatay 29 dhibcood oo ahaa 9 guulood iyo 2 barbarro ahaa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Burnley

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 2:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Liverpool waxa taam u ah oo ciyaartan ka doonaya Jurgen Klopp inuu kusoo bilaabo labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Thiago Alcantara iyo Jordan Henderson, laakiin waxa maqan Fabinho oo uu aabbihii shalay geeriyooday. Curtis Jones ayaa isaguna ka doonaya Jurgen Klopp inuu safka hore kula tartansiiyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Kostas Tsimikas ayaa sii wadan doona inuu xajisto difaaca bidix maadaama uu Andy Robertson dhaawac ka gaadhay kuraanta laakiin uu dib u bilaabay tababarka balse aanu diyaar u ahayn ciyaartan. Fabinho oo shan gool dhaliyey lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu ka hor tegay Burnley, beddelna kusoo galay ciyaartii Norwich City ayaa rajaynaya inuu kusoo bilowdo.

Burnley waxa ka dhaawacan Dale Stephens iyo Kevin Long oo aan diyaar u ahayn kulankan, balse Dyche waxa uu haystaa Ashley Barnes, Jay Rodriguez iyo Chris WOod.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Liverpool XI: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Tsimikas; Oxlade-Chamberlain, Keita, Milner; Salah, Firmino, Mane

Burnley XI: Pope; Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor; Gudmundsson, Cork, Westwood, McNeil; Wood, Rodriguez

Laacib.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS