Gabadhii Labaad Ee Soomaaliyad Ah Oo Ku Guulaysatay Doorashada Dalka Maraykanka

0
Wednesday November 06, 2019 - 13:55:18 in News by Warbaahinta Irmaan
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadhii Labaad Ee Soomaaliyad Ah Oo Ku Guulaysatay Doorashada Dalka Maraykanka

    Gabadhii Labaad Ee Soomaaliyad Ah Oo Ku Guulaysatay Doorashada Dalka Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadhii Labaad Ee Soomaaliyad Ah Oo Ku Guulaysatay Doorashada Dalka Maraykanka

Naadiya Cabdirisaaq Maxamed iyo Safiya Khaalid oo ah gabdho Soomaali ah ayaa ku guuleyatay doorashooyinka golaha deegaanka ee goboolo ky yaalla mareykanka.

Naadiya Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga golaha deegaanka ee Magaalada St Louis Park, ee gobolka Minnesota.

Halka Safiye Khaalid ay ku guuleysatay golaha deegaanka ee Magaalada Lewiston ee gobolka Maine oo waxaa ay heshay 69.6% codadkii la dhiibtay.

Naadiya oo uu la tartamayay nin kale oo Mareykan ah ayaa heshay boqolkiiba 63 codadkii la dhiibtay, halka ninkii la tartamayay na uu isna helay boqolkiiba 38.

"Aad ayaa ugu faraxsanahay in anigoo gabar Soomaali ah oo xijaaban aan ku guuleysto kursigan, in aan u tartamo xilkan, waxaa igu dhaliyay in dalka uu yahay dalkeyga, oo aan doonayo in halkan aan nolol ka smaeysto oo ma donayo in aan dareemo in aan ahay qof marti ah, ", ayay u sheegtay BBC-da.

Naadiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay dooneyso in ay wax ka qabato kirada guryaha oo ay sheegtay in ay tahay mid qaali ah, oo dadkana aysan awoodin in ay iibsadaan guryo raqiis ah. Sidoo kale dhallinyarada ayay sheegtay in ay dooneyso in ay wax la qabato, oo wax walba oo ay doonayaan ay ka caawiso sidii dowladda ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka heysta.

"In la I doorto waxay tusaale u tahay dhallinyarada Soomaalida ee dalka Mareykanka iyo Muslimiinta, iyo in waxwalba oo ay doonayaan ay ku guuleysan karaan oo dalka Mareykanka uu yahay dalkooda", ayay raacisay Naida.

.Lahaanshaha sawirkaNADIA
Image caption.

Naadiya oo xilkan heyn doonta afarta sano ee soo socota ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedkeeda ugu weyn uu yahay sidii ay ugu adeegi lahaya bulshada, maadaama ay horay ugu guuleysatay abaalmarin dhanka xuquuqda aadanaha ee dalka Mareykanka, waxbadanna ay ka ogtahay dhibaatada heysata bulshada ay matesho.

.Lahaanshaha sawirkaSAFIYA KHALID
Image captionSafiya Khalid

Sidoo kale Cabdisalaam Aadan oo ah nin Somali ayaa sidoo kale ku guuleystay guddiga waxbarashada ee xaafadda Fridey ee isla gobolkaas.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali, oo ku dhalatay dalka Mareykanka ayaa horay ugu guuleysatay kursi noocan oo kale ah ayaa markii dambe ku guuleysatay kursiga wakiilka Aqalka Kongreska ee gobolka Minesota.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS