[War Cusub:] Manchester United Oo Ku Dhawaaqday War Ku Saabsan Cristiano Ronaldo?

0
Friday August 27, 2021 - 19:27:25 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Cusub:] Manchester United Oo Ku Dhawaaqday War Ku Saabsan Cristiano Ronaldo?

    Manchester United Oo Ku Dhawaaqday War Ku Saabsan Cristiano Ronaldo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United Oo Ku Dhawaaqday War Ku Saabsan Cristiano Ronaldo?



Weerar yahanka kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.

Bayaan ay soo saareen maamulka United ayay ku xaqiijiyeen in ay Juventus la gaareen heshiiska lasoo wareegitaanka Ronaldo.

Waxa harsan waa in Ronaldo heshiis si shakhsi ah loola meel dhigo heshiiska, sida ku cad bayaanka United ay ku daabacday boggeeda.


Warkan ayaa durbadiiba si deg deg ah u qabsatay warbaahinta caalamka oo dhan.

Markii hore waxaa maalmahan la hadal hayay in Ronaldo uu ku sii jeedo magaalada Manchester, balse kooxda uu u socdo ay tahay City oo ay si weyn u xifaaltamaan United.

Saacadihii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ah usoo baxay hamiga United ay ku daneyneyso xiddigeedii hore kaddib markii hadal heynta taageerayaasha Manchester United ay badatay, iyagoo aad uga soo hor jeeday in uu halyeygooda ku biiro City.


BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS