Shaqaale Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Ka Tirsan Oo Dhididkoodii La Cunay!

0
Thursday January 27, 2022 - 17:38:49 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Ka Tirsan Oo Dhididkoodii La Cunay!

    Shaqaale Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Ka Tirsan Oo Dhididkoodii La Cunay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaale Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Ka Tirsan Oo Dhididkoodii La Cunay!




Sawirkan aad arkaysaan waa xiligii ciyaaruhu ka socdeen berbera.  Mudo 20 casho ahaa oo aan kusugnaa waxaan ka mid ahaa ragii sida liveka ah usoo gudbinayey muuqaalada ciyaaraha. 
Taasoo ahayd shaqadii aan qaranka uhayey.
Laakin bal uyar fiirso sawirka waxaa ka muuqda in milicdu ay igu dhacayso iyo boodhkuba . 


iyadoo waxaasoo dhiba aanu haynay ee kulaylka qoraxda iyo boodhka . Ayaan hadana cidi noo ogayn.  Aniga iyo intii ila shaqaynaysay.  Ee sidaydoo kale ahaa.  Walaahay inaan xitaa midh biyaa naloo dhiibin . Nimankayagii sidaa ushaqaynayey . Waad mahad santihiin xitaa cidi nagumay odhan waSiir walaa agaasime.  Shaqadii aanu haynay ayay ku faanayeen oo ay lahaayeen waxaanu qabanay live . 

Maalintii cupku dhamaaday ayuu agaasimaha iyo wasiirku xigeenku yimaadeen . Xitaa waad mahad santihiin namay odhan . Markii CiHalka tvyda kale ee Anu linkga siinaynay madaxdoodu dulttaagnay oo waxkastaba la dul taagnayd.
Anagana iskada waxay nasiiyaane mahad Sanidin bay na odhan waayeen,
Iminka iyo haatana xiligaa xaqayagii aanu ku lahayn kama hayno . Waxaa Naga mid ahaa rag caruur iyo hooyadood ka yimi oo aan meel kale wax ka sugayn ., Markii ay  islahaayeen waataa shaqadii idinka dhamaatay oo Waxaa shaqaysateen baa laydin siinayaa reerihina wax baad kula noqonaysaan.
Ayaa agaasimihii guud intuu nala balamay halkaanu islahayn waxiinii buu idin sinayaa ayuu noo soo diray darawalkiisii oo ku yidhi hudheel gee nimanka oo hargaysa ubaxa ku dheh,

Waanu layaabnay markuu sidaa nagu yidhi inankii uu noo soo diray. markaasaanu ku nidhi qadadiisana hayska haysto
Hargaysa markaanu nimina Maalinkasta waa nala meermeerinayay, Agaasimaha tvga Qaranka markaanu lahadalana agaasimhii guudbaa inoo maqan buu dhahaa. Agaasimaha guudna beri beri uun.   Agaasimaha guud iyo Wasiirka Warfaafintu iyagaana  ka masuula shaqaale kasta oo ka tirsan wasaaradda .

Iyagaana  xaqooda  lawaydiinayaa maalinta qiyaame  Anigu waxaygii ilaahay baa isiin maalin aan maanta ahayn. Fariintana iga gaadhsiiya Madaxwaynaha Qaranka Somaliland.

W/Q: Abdiwasac Khuum 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS