Waa Maxay Hadaladda Is Burinaya Ee Wasiirka Maaliyadda Iyo Madaxweynuhu Ku Kaceen?

0
Saturday January 29, 2022 - 10:23:57 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Hadaladda Is Burinaya Ee Wasiirka Maaliyadda Iyo Madaxweynuhu Ku Kaceen?

    Waa Maxay Hadaladda Is Burinaya Ee Wasiirka Maaliyadda Iyo Madaxweynuhu Ku Kaceen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Hadaladda Is Burinaya Ee Wasiirka Maaliyadda Iyo Madaxweynuhu Ku Kaceen?




Yaab iyo wax laga fajacaa ba waa soo dhamadeen baan is lahaa, ma se dhadhawa. Shan sanno waxa uu Dr Sacad innoo sheegaayay, oo xukuumadda SL ay noo sheegaysay, in Furdadda Berbera ay saami-qaybsigeeda Itoobiyaanku ku leeyihiin 19%, SL oo 30% ah, iyo inta kale oo DP-World ah. Hadda waxa uu leeyahay taas waxba kama jiraan oo Itoobiyaanku saami ba ma ay yeelan marnaba. "Waxaasi wuxu ahaa is faham aannu isla gaadhnay February 1917 kii”, ayuu yidhi isaga oo dabcan u jeeda 2017. Halmaanka taariikhda uu boqol sanno dib noo celiyay dhib ma igu aha, laakiin 19% kaasi aaway? Hadii aanay Itoobiyaanku qadanin, yaa markaa qaatay? Hadii 19% kaas aanay cidiba qaadan, taas oo ka dhigan in saamiga SL ee Dekedda Berbera uu ka badanyahay 30% kii aynu shantaas sanno ba u qabnay, oo uu yahay 49%, markaa macaashka ay SL ka helaysay project ga DP-World ee sanadlaha ahi, ma aha kirada dekedda ee xadidan, saw ma ka dhigna in uu ka sareeyo intii aynu moodaynay ama la ina moodsiiyay?


Si kastaba, halkan waxa yaalla tobanaan su’aalood oo aanay cidina jawaabtooda haynin. Saamiga ay SL dekedda ku leedahay muxuu yahay horta? Macaashka sanadkii laga helo iyo kirada sanadkii laga qaado DP-World waa intee? Jawaabahaasi waxa ay ahayd in ay ka muuqdaan miisaaniyaddii 2022 iyo kuwii ka horeeyayba, laakiin marnaba ma dhicin taasi. Geesta kale, Madaxweyne Muuse iyo Dr Sacad muddo ka hor waxa ay bixiyeen xog si qayaxan isu burinaysa, oo ku saabsan Madaarka Berbera. Muuse waxa uu fagaare ka sheegay in madaarka la kireeyay, Sacad na, waxa uu yidhi lama kirayn ee mashaariic baannu ku bedelanay. Su’aal muhiim ahi waxa ay tahay – sababma ayay waxan oo is diiddo ahi u dhacayaan? Jawaabtu ma adka – heshiisyada Dekedda iyo madaarka la gu wareejiyay ee rasmiga ah, ayaan baarlamaan iyo cid kale toona haynin. Sababta aanay u haynin ma aha in aanay doonayn ama dan ka lahayn, laakiin si badhedh ah ayaa baarlamaanka iyo cid walba looga qariyay, isla sababtaas ayayna tahay midda aynu hadba xog yar oo inaka inagu cusub, laakiin dhab ahaan aan cusbayn u ogaanayno. waxaas maxaad ku sheegi? Dhaqan dawladnimo ma odhan kartid, wixii kale na adiga iyo maankaa.

Waxa qoray Maxamed Haaruun


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS