"Maxamuud Xaashi Waa Siyaasi Dalka Iyo duruufihiisa Yaqaana" Xildhibaan Guruuje
"Maxamuud Xaashi Waa Siyaasi Dalka Iyo duruufihiisa Yaqaana" Xildhibaan Guruuje
" maxamuud xaashi vs ragga meehanaabaya ". Siyaasadda qeexideedu ugu fiicani waxay odhanaysaa " siyaasaddu waa wixii suurta gala " . Sidaa markey tahey wixii aan suurta gal ahayni siyaasad maaha ,sababta mooralka iyo siyaasaddu marar badan isu khilaafaana waa intaas . Maxamuud xaashi waa siyaasi , siyaasi dadka , dalka iyo duruufihiisa aad u yaqaanana weeye , markii horre haduu xooga saarey furista ururadda fursad baa u muuqatey, mar danbe hadii uu xaga kulmiye jeelaadiyayna fursad baa uga muuqatay maxaa yeeley , haddii wadani xirsi joogo , kulmiye na siyaasi kale oo habar jeclo ah loo dhiibo rajadda urur maxamuud xaashi furto guushiisu way adkaanaysaa maxaa yeeley codkii uu ku xisaabtamayay ayaa filqamayaa . Sidaa darteed maxamuud xaashi meel uu joogaba waa siyaasi , waana siyaasi diyaarsan oo xisaab ku socda 1+1=2 ( reality on the ground) . Waxaase la yaable siyaasiyiinta beesheeddu 3 xisbi 2 ay haystaan ee ilaa 1993 doorasho walba ku dhacayay 1993 , 2002 , 2010 iyo 2017 ee urur cusub furashadiisa u meehanaabaya . Qora:- Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje mudane ka tirsan golaha wakiiladda somaliland Leave a comment |
Copyright © 2019 - 2024 Warbaahinta Irmaan All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Maxamuud Xaashi Waa Siyaasi Dalka Iyo duruufihiisa Yaqaana" Xildhibaan Guruuje
"Maxamuud Xaashi Waa Siyaasi Dalka Iyo duruufihiisa Yaqaana" Xildhibaan Guruuje