Awoodii Wasiir ku Xigeenada miyaa la kordhiyay ?

0
Thursday February 03, 2022 - 20:57:53 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awoodii Wasiir ku Xigeenada miyaa la kordhiyay ?

    Awoodii Wasiir ku Xigeenada miyaa la kordhiyay ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Awoodii Wasiir ku Xigeenada miyaa la kordhiyay ?


Waxa qoray Kaysar Maxamed

"Asalaamu Calaykum 

Inta aan ogahay Awoodda keliya ee uu Wasiir ku Xigeenada uu  siiyay Qodobka 24aad ee Xeerka Kala-xadaynta Wasaaradaha iyo Hayadaha Madaxa Banaan, Xeer Lambar 71/2015 waxa ay yihiin  qodobadan


1. Inuu Wasiirka ka caawiyo hawlaha Shaqada Wasaarada iyo inuu Masuuliyada Wasaaradda haynayo marka uu Wasiirku Safar Dibadda ugu maqan yahay ama hawl caafimaad ku timaado.  

2. Inuu fuliyo Shaqooyinka ama Hawlaha uu Wasiirku u igmado

3. Inuu Madax ka noqdo Waax ama Qayb Wasaaradda ka mid ah, haddii uu Wasiirku u xilsaaro.

Hadaba waxaa yaab leh in Wasiir ku Xigeen ku talaabsan karo talaabada halkan ka muuqata maadaama uu Wasiirkii Wasaaradu Hargeysa joogo oo uu shaqadiisii wato, awoodna u lahayn inuu cid magacaabo ama cid eryo Wasiirkii oo jooga oo xay ah. 

Waxaa halkan ka muuqata ku tagrri fal awood aanuu lahayn Wasiir ku Xigeenku, waxaana ay ka hor imanayaa nidaamka kala sarrayneed ee Dawladnimada.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa aad loogu majiirtaa inuu ku adag yahay sharciga, waxaana yaraatay is barbar yaacii iyo murankii  masuuliyiinta Dawlada mudadii ay Xukuumada Biixi jirtay. 

Waxaan soo jeedinayaa in Wasiir ku Xigeenku uu raali gelin ka bixiyo qoraalkan aanuu Awooda u lahayn ee uu soo saaray iyada oo Wasiirkii Wasaaradu Hargeysa joogo.

Wasiir Axmed Toorno ayaa Ummada reer Somaliland ka hantay teegeero aad u balaadhan sida uu ugu hiiliyay dadka danyarta ah, isuguna soo dhaweeyay kala durugii carruurta ay reerahoodu ladan yihiin iyo kuwa danyarta ah  una simay dirayskoodii iyo waxbarashadoodii, sidoo kala kor u qaaday nolosha macalimiinta geesiyaasha ah ee Dalkeena.

Waxaan Wasiir ku Xigeenka usoo jeedinayaa inuu la shaqeeyo Wasiirkiisa kana fogaado in la isku dhufto, oo talo qarriban uu qaato. Had iyo goor waxaa jira dad isku dira masuuliyiinta xilalka haya si ay dano gaar ah uga dhex raadiyaan."


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS