Hurre Haariye Darajada Ciidanka Qaranka?

0
Saturday February 05, 2022 - 16:23:14 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hurre Haariye Darajada Ciidanka Qaranka?

    Hurre Haariye Darajada Ciidanka Qaranka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hurre Haariye Darajada Ciidanka Qaranka?

Ma Aqoon Daro Ayaa Looga Reebay? Ma Eex Ayaa Looga Reebay? Mise Qabyaalad? Mise siyaasad? Darajada ciidanka Gaashanle Sare Axmed Hurre Haariye Oo Aan Lagu Soo Darin Sanadka Ciidamada Kor Loogu Qaaday Darajada ciidamada qaranka.

Gaashaanle sare Axmed Hure Haariye Waxa uu kamid yahay ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,waxa uu ka baxay sanadkii 1987 kuuliyadii ciidanka ee loo yaaqanay jaale siyaad 15 sano waxa uu ahaa talye guuto,7 sano waxa uu ahaa talyaha qaybta 12 aad,sanadkii 2018 waxa uu k mid ahaa ciidamo wax ku soo bartay meleteri istaafka itoobiya isagoona soo dhameeyey 2019kii.


Bishii sadexaad 2020 madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa u magacabay talyaha hawlgalinta ciidanka qaranka.

Axmed Hurre Haariye waxa uu kamid yahay talyayaasha tirada yar ee isku darsaday aqoonta iyo waayo aragnimada ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

isagoona Isku darsaday Aqonta iyo waayo aragnimada ciidanka ayaanu sanadka ka mid ahayn sarakiisha kor loogu qaaday darajada,waxana inta badan nidaamka ciidanku yahay in aan loo eegin hayb ee loo dalacsiiyo hadba cida mudan darajada ciidanka.

Waxa ay bulshada somaliland iyo ciidanka qaranku isweydiinayo sababaha Kornayl axmed hure looga reebay dalacaada jananada dalacay sanadkan waayo waxaa delay saaxiibadii oo xil ahaan ka hooseeyey

Xukumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi maxay ka og tahay arimahan?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS