Afar Arrimood Oo Madaxweyne Biixi Isla Gaadayo Iyo Guul Uu Ka Gaadhay Kulankii Cirro?

0
Monday February 21, 2022 - 14:12:26 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Arrimood Oo Madaxweyne Biixi Isla Gaadayo Iyo Guul Uu Ka Gaadhay Kulankii Cirro?

    Afar Arrimood Oo Madaxweyne Biixi Isla Gaadayo Iyo Guul Uu Ka Gaadhay Kulankii Cirro?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar Arrimood Oo Madaxweyne Biixi Isla Gaadayo Iyo Guul Uu Ka Gaadhay Kulankii Cirro?



Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale ayaa mar ay fooda is dareen Silaanyo iyo Faysal oo isku dhan ah ayaa  Abdirahman Cirro oo Gud. Wakilada ahi dhawr goor u kala dabqaday isgoo dhex dhexaad iska dhigayaa.

Daahir Riyaale wuxuu yidhi Abdiraxmaanow war na waad iga sii qaadaysay, warna waad ii soo qaadaysay ee maxaad kordhisay!

Imika ayaa tii oo kale aan ka baqayaa in uu Cirro isna wax goosan waayo, cid kalena wax u soo gooyn waayo inta uu arinku diiran yahay oo Muuse Biixi ku guuro.


Muuse Biixi doorkan cid walba dhulka ayuu isku dhigay, Waftigii Nairobi ka yimidna af ahaan wax walba xiligoodii ayaan ku qabanayaa, ayuu yidhi.

Waxaa mugdi iyo madmadow ku jiraa waxa ay isla maagan yihiin ama kala maagan yihiin Muuse Bixii, Cirro iyo Faysal.

Qorshaha lagu kala tegay, waftigii Nairobi wuxuu ahaa in laga wada hadlo jadwalka doorashada.

Waxaa se muuqata in seddexdoodu ayna ka wada daacad ahayn qorsho sugan in laga wada hadlo.

Muse Bixii 4 arimood  ayuu isla gaadayaa.
1. Waxa uu doonayaa in uu International Community -ga tuso in uu wax dhaqaajiyey oo Cirro ayuu u yeedhay ( halka sawir ayuu ka helay)

2. Wadahadalkii Maxamuud Haashi iyo Maxamed Kaahin iyo midho dhalintiisii in uu HJ hanto iyana wuu dhawrayaa ( Mohamoud Hashi Gud. Kulmiye, Kahin Gud. Guurtida - ama waxay ku wada qancaan).

3.  Faysal iyo Cirro oo uu wada hadal aan wax meel laysla dhigin u furo.

4. Safarkiisa Maraykan ka oo uu iska sii horeysiinaayo sawir ah in ayna xisbiyada waxba isku hayn oo ay qorshe isla wadaan.

Faysal isagu kalsooni badan kuma qabo isdhul dhiga Muuse Bixii ilaa uu war cad ka maqlo in ay doonashadu xiligeeda ku dhacayso.

Cirro isagu Muuse arag, Fasal na arag, mar labaadna Muuse la balan sida uu ogaan cad Muse uga keeno ama waxa u qarsoon loo ogaadaana shakigeeda leh.

Jidka kaliya ee laysku aamini karaa waa in uu Muuse Biixi inta aanu u dhoofin  Maraykanka ay seddexda Xisbi is hor fadhiistaan, war cadna kala qortaan!

Hadday taasi dhici waydo socdaalka Muuse Biixi waa lug   siigo doonatay uun.

Waxa Qoray Maxamuud Carraale


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS