Waa Kuma Abwaanka Madaxweyne Biixi Isku Deegaanka Yihiin Ee Dalka Laga Masaafuriyay?

0
Tuesday March 08, 2022 - 23:35:40 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Abwaanka Madaxweyne Biixi Isku Deegaanka Yihiin Ee Dalka Laga Masaafuriyay?

    Waa Kuma Abwaanka Madaxweyne Biixi Isku Deegaanka Yihiin Ee Dalka Laga Masaafuriyay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Abwaanka Madaxweyne Biixi Isku Deegaanka Yihiin Ee Dalka Laga Masaafuriyay?



Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo isku deegaan yihiin madaxweynaha somaliland, ayaa dalka ka dhoofay ka dib markii uu cadaadis xoogan la kulmay

Abwaanka ayaa qoray buugga sida weyn xukuumadu uga soo hor-jeesatay ee MAYAL

Qoraalkan ayuu baahiyay wuxuuna yidhi:-



Bismilaahi Raxmaani Raxiim.


Muddo shan sanno ah baa aan ku sugnaa Somaliland. Shanta sanno shaqsiyan wax walba oo aniga gaar ii soo gaadha diyaar baa aan u ahaa, wixii aan kula kulmana hadday tahay xadhig, dhib iyo hagardaamaba wax aan u badheedhay baa ay ahayd, waxa aanan aaminsanahay in aan caddaalad-darro iyo dulmi uun diidana. Haddaba, muddooyinkii u danbeeyey dhibtii aniga waa ay i soo dhaaftay, waxa xukuumaddu u gudbisay qoyskayagii iyo asxaabtaydii. Waxa dhawr maalmood ka hor askari u daadatay nin aannu saaxiibnahay, oo buugga "Mayal” nuqulo ka mid ah ila qaybinaayay, sidoo kale waxa sirdoonku dabagaleen oo hanjabaad la daba taagnaayeen Abwaan Cabdishakur Axmed Cabdi Caateeye oo la ii tirinaayay, in uu isagu idiin warramana waan jeclaa.

Sabtidii taariikhdu ahayd 05. 03. 2022,  waxa tobankii subaxnimo qaar ka mid ah ciidanka sirdoonku afduubteen walaalkay iga yar Noradin Abees, oo inta indhaha laga xidhay la geeyay qol madow. Waxa la weyddiinaayay arrimo aniga igu saabsan, sida, Cabdiraxmaan gaadhigiisii maalmahan guriga ma yaallo, ee xagguu geeyay? Buuggaagta la qaybiyay ee baxay waa imisa? Maxaa uu u soo bandhigi waayay buugga? Maxaa uu u soo dhigay qoraalka noocaas ah? Maxa uu ku hawlan yahay? IWM. Su’aalaha aniga waa i weyddiin karaayeen oo ma dhuuman, daqiiqad walba sirdoonkoodu halka aan joogay waa ka war hayeen.

Muddoba xukuumaddu waxa ay ka shaqaynaysay sidii aan dalka uga baxi lahaa, markii ay ogaadeen in aanan cagojugleyn, xadhig iyo wixii la mid ah ee kale midna ka baaqanaynin waxa aan aaminsanahay, ayaa ay bilaabeen daandaansi hor leh iyo in qoyskayaga iyo asxaabta inta aan isku xidhanahay la dhibo. Ujeedooyinka laga leeyahay tana waa cabsi gelin ama in aan uga falceliyo si khaldan, taas oo iyaga xadhiggayga gar u siinaysa  marka la taagan yahay aragtida guud ee bulshada (rayul caamka).

Sidaa darteed, waxa aan fahmay haddii aan dalka ka baxo in walaalkay ay soo dayn doonaan, inta aan joogana uu inanka yar ee aan waxba galabsani uu xidhnaan doono, oo labada ayaa isku xidhnaa, subaxay xidheen ayaa aan baxay gelinkiisii danbe, oo ay soo daayeen iyaguna. Ilaa hadda waxa ay sirdoonku ka haystaan Nuuradiin tilifoonkiisii gacanta.

Naxdinta, hanjabaada iyo dagaalka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku soo qaaday qoyskayga iyo asxaabtayda qaarkood si aan uga badbaadiyo, ugana hor tago mushkilad kale oo dhankan kalana ka timaadda darteed waxa aan xal u arkay in lagama maarmaan ay tahay in aan dalka ka baxo. Ta kale ee aan ka hortagayna waa in ujeeddadii weynayd ee aan siday wax ka duwan aanay iiga leexin.

Sidii roon Allahayoow.

Abwaan Cabdiraxman Abees.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS