Masuul La Soo Shaqeeyay Maayirkii Hore Ee Caasimadda Hargaysa Oo Arrimo Qarsoon Fashiliyay?

0
Wednesday March 16, 2022 - 19:08:54 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul La Soo Shaqeeyay Maayirkii Hore Ee Caasimadda Hargaysa Oo Arrimo Qarsoon Fashiliyay?

    Masuul La Soo Shaqeeyay Maayirkii Hore Ee Caasimadda Hargaysa Oo Arrimo Qarsoon Fashiliyay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul La Soo Shaqeeyay Maayirkii Hore Ee Caasimadda Hargaysa Oo Arrimo Qarsoon Fashiliyay?




Xoghayihii Fulinta Dawladda Hoose Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale' ayaa qoraal uu qoray waxa uu ku tilmaamay Nasiib daro inay u tahay Mayorkii hore ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Cabdiraxmaan (Soltelko) oo hada Xildhibaan Golaha Deegaanka ka tirsani in uu daawanaayo wixii uu intii Mayorka Hargeysa ahaa qaban kari waayey oo mudo Kooban Mayor Cabdikariin Axmed Mooge iyo Maamulka cusub ee dawladda hoose ay ku qabteen Hargeysa-na durba horumar ay ku talaabsatay.


Ex Xoghaye Cali Xasan Cawaale oo Qoraal uu ugu duurxulaayo balse aanu magaciisa ku xusin Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Cayddiid (Soltelko) waxaa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan.

"Ayaan darada jirta waxay tahay ninka kaalintan hore u joogay ee maanta daawanaya hawlihii u qaban kari waayay oo si fudud loo fulinaaayo.
mise tolow roob lacag ah ayaa dabadii  ka da,y dawlada hoose oo qoladan cusub la kawsaday.

su,aasha hala weydiiyo maamulkii hore ee dawlada hoose (Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa) wixii ka hor joogay wax qabadkan?

Hargaysi  waxay ka dhigantahay maanta.  indhoolihii ilkahana la,aa. ee gabadhiisu hilibka u calaalin jirtay. markay duxda kala baxdana jilaafta qalalan siin jirtay, kadib gabadhii ay ka dhimatay isagoo barooranaya oo leh cid hilibkii ku calaalisa heli maysid mid kale loo guuriyay,taasi oo hilibka u tunta balse aan u calaalin,kadibna hilibkii oo dhecaankiisi iyo duxdiisiba wata oo tuman siisa.
halkaas ayaanu ku garawsaday odaygii in islaanti hore  ee u barooranayay ay khaa,imad ahayd kana raystay.

"marka harggaysa ayaa maanta sidaa ka dhigan hilibka looma calaaliyo ee wa loo tuma.

Allah ha ina waafajiyo xaqa

Xoghayihii Hore Fulinta Dawladda Hoos Ee Caasimadda Hargeysa:- Cali Xasan Cawaale


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS