Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka Iyo Arrin Uu Ka Digay?

0
Friday March 18, 2022 - 21:10:39 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka Iyo Arrin Uu Ka Digay?

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka Iyo Arrin Uu Ka Digay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Biixi Ee Maraykanka Iyo Arrin Uu Ka Digay?




Muqdisho [Irmaan News] Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ahna gudoomiyaha xisbiga Wadda-jir ee soomaaliya, ayaa ka hadlay safarka madaxweynaha somaliland, ku joogo dalka maraykanka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ka markhaati kacay heshiiska maraykanku u soo bandhigay somaliland kaas oo la xidhiidha iskaashiga dhanka amniga

Qoraal uu ku baahiyay Facebook-giisa ayaa wuxuu ku yidhi:-




Maraykanku waxay sheegeen in ay dan qaran oo wayn ka leeyihiin Somaliland. Waxay soo saareen xeer ay ku doonayaan in ay heshiis wadashaqayn amni la yeeshaan maamulka Somaliland, iyaga oo aan aqoonsan. Danta ayey ku soo koobeen seddax qodob oo kala ah

1- Ilaalinta danta Maraykanka iyo xulafadiisa ee marin badeedka Bab-el-Mandeb, iyo dekeda Berbera.

2- In ay noqoto Ilinka badeedka uu ka gelayo Bariga Afrika.

3- In laga hortago joogntaanka Iiraan ee Gacanka Cadan iyo Awoodda Shiinaha ee gobolka ku xoogaysanaysa. Lagana

4- Laga xaqiijiyo ujeedkii ahaa la dagaalanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish

Ka sokow nabadda, iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxaa looga marag kacay dimoqoraadiyad, iyo in ay  doorasho nabad ah talada dalka kula kala wareegeen

Halka ay ku tilmaameen in Soomaaliya inteeda kale ay ka socoto doorasho lagu takrifalayo, nabad-gelyo aan la isku hallayn karin iyo xasillooni darri.

Loollanka quwadaha shisheeye ee la xariira danaha juqraafi siyaasadeed (Geopolitical Intrest) waa kuwo xasaasi ah oo u baahan ka fiirsasho iyo go’aano dhinacyo badan laga eegay, dheelitirana laga qaato.

Waxaana taas lagu gaari karaa yagleelida hay’ado ilaalin kara amniga qaran iyo hoggaan fiiri dheeri iyo fogaan aragba leh oo aan gebi dhaclayn.

Somaliand wax badan waxay kaga xiran yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda, Soomaaliyana hoggaanka ka yimaada doorashada dhowaan dhici doonta, iyo sida ay labadaasi iskula jaanqaadaan waxay wax badan teri doontaa Soomaalida oo idil.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS