Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Madaxweyne Biixi Iyo Shacabka Hargaysa Labo Qodob Kala Dooransiiyay?

0
Monday March 21, 2022 - 10:26:22 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Madaxweyne Biixi Iyo Shacabka Hargaysa Labo Qodob Kala Dooransiiyay?

    Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Madaxweyne Biixi Iyo Shacabka Hargaysa Labo Qodob Kala Dooransiiyay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Madaxweyne Biixi Iyo Shacabka Hargaysa Labo Qodob Kala Dooransiiyay?



Shacabka waxa aan leeyahay: rejada aad haysataan ee rumaynaysa riyooyinka caasimaddana ka dhigaysa caasimad la caynad ah caasimadaha caalamka waa Maayir Mooge iyo goolihiisa deegaanka ee hareeraha iska taaga hawsha adag iyo halgankay ku jiraan oo Hargeysa la hagaajiya.

Madaxweyne Muusena waxa leeyahay, Madaxweyne' waa in Wakaaladda Biyaha iyo Cisbitaalka Hargeysa aad hoosgeyso dawladda hoose ee Hargeysa. Waayo? 30 sanno shacabka caasimadda waxa u dhaaminaya booyado iyo biyoolayaal, tirada dadka caasimadduna waxa ay ku sii socota 2 malyan oo qof caasimad ay dawladdu biyo siin laadahay bulshadeedi sow baaba' maaha?  Cisbitaalka Hargeysa, haddii wasiir ka mid ah wasiiraddaadu xannuusaddo ama dhakhtar kale ayaa la dhiga  oo ka dawladda laguma daweeyo, sababtana waynu wada og nahay tayada dhisme iyo dhaymo ee cisbitaalku leeyahay!


Tusaale ahaan; 4ta Malyan ee Doollar ee sannadkii ka soo xaroota baadhista karonaha Miisaaniyadda qarankana kuma jirto, hal sariirna loogama iibiyo bukaan-jiifka cisbitaalka meel ay martana lama garanayo, shaqaalahana lama siiyo bukaankana daawo looguma iibiyo! dhaqalaha kale ee maalinlaha ee ee cisbitaalku soo saaro meel ay gasho lama yaqaan dhisme casri ah iyo dhaymo dadweyne laguma sammeeyo.

Ciidanka Dab-demiska ayaa ah Hay'adda ay gacanta ku hayso dawladda hoose hargeysa kaalintooda nafhurnimo iyo adeega ay umadda u hayyaana cid waliba wataas ka maraga ah. Tayada ay Ciidankaasi leeyihiin ayey yeelan-doona Cisbitaalka iyo Wakaaladda biyuhu haddii la hoos geeyo dawladda hoose ee hargeysa.

WQ Xildhibaan Barkhad Batuun.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS