Wiilka Uu Sodoga U Yahay Madaxweyne Hore Axmed Siilanyo Oo Si Dad-ban U Amaanay Xukuumadda Madaxweyne Biixi?

0
Tuesday April 12, 2022 - 21:28:53 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilka Uu Sodoga U Yahay Madaxweyne Hore Axmed Siilanyo Oo Si Dad-ban U Amaanay Xukuumadda Madaxweyne Biixi?

    Wiilka Uu Sodoga U Yahay Madaxweyne Hore Axmed Siilanyo Oo Si Dad-ban U Amaanay Xukuumadda Madaxweyne Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilka Uu Sodoga U Yahay Madaxweyne Hore Axmed Siilanyo Oo Si Dad-ban U Amaanay Xukuumadda Madaxweyne Biixi?




**********DAR DAARAN GUUD***********

Waxa wanaagsan ee ina mideeya ayaa ka badan inta yar ee aynu isku khilaafsanay ama aynu ku kala qaybsanay.

Waxaa dhawaan suuqa wayn ee Waaheen ka dhashay dab khasaare badan u gaystay hantidii iyo dhaqaalihii muwaadiniin faro badan oo reer Somaliland ahaa kana ganacsan jiray halkaa.


Masiibadani waxaad odhan kartaa waa mid ka mida dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee intii ay jirtay Jamuuriyada Somaliland la soo kulantay, waana mid qaabka looga baxayo ama looga soo kabanayo ku xidhan tahay hadba sida aynu u wajahno ama uga hortagno.

Illaa hadda shacabka iyo haldoorka Somaliland ba si isku-mid ah oo midaysan baa arintan loo wajahay, oo loogu kacay.

Waxaase ayaamahan soo badanaya hadalo iyo aragtiyo siyaadadeed oo dhinacyo kala duwan iska taagaya qaabka ama wadada loo marayo dib u dhiska iyo soo nooleenta Suuqa Waaheen.

Waxaan ku talin lahaa in arintan aan la siyaasadeen ee loo daayo Hay’adaha ku shaqada leh, Dawlad iyo shacabana aynu u guntano sidii aynu gunta dhiisha uga xidhan lahayn ee aynu usoo celin lahayn ganacsigii iyo suuqii Waaheen, dadkii hantida ka gibatayna loogu soo celin lahaa.

Mucaarid iyo Muxaafidbana maanta waxa lagu qiimeenayaa hadba sida aynu uga qayb galno gurmadkaa, ee aan wax ugu darsano.

Waxaan ka digayaa in masiibadaa Waaheen ka dhacday noqon mid ina kala qaybisa, balse noqoto mid sidii caadadu inoo ahayd muujisa dhaqankii iyo ficilkii lagu yaqiin Somaliland ee ahaa in loo midoobo wixii danta guuda, meelna looga soo wada jeesto.

     Amb Baashe Cawil.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS