Jabuuti Oo Gacanta Ku Dhigtay Internetka Somaliland?

0
Tuesday May 03, 2022 - 17:40:56 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti Oo Gacanta Ku Dhigtay Internetka Somaliland?

    Jabuuti Oo Gacanta Ku Dhigtay Internetka Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti Oo Gacanta Ku Dhigtay Internetka Somaliland?



W/Q: Abdinasser Ahmed

Maanta waxa Berbera laga soo dejiyey xadhiga internetka ee bada mara. Shirkada Somcable ayaa soo dejisay. Hore xadhiga internetka ahi wuxuu inooga iman jiray bada Djibouti isaga oo soo maraya dhulka. Iminkana xadhigani oo la yidhaahdo Peace Cable System oo shirkada Somcable maal $35 million ah qiyaastii gelisay wuxuu inooga imanayaa isla Djibouti, isaga oo soo maraya bada.


Faham kooban ayay tahay in dadka reer Somaliland ka helaan xadhkaha bada hoos mara iyo loolanka ka dhex socda. Dabcan Djibouti ayaa loolan wayn ugu jirta, ahna hormuudka suuqan. Djibouti waxay rabtaa in Somaliland u noqoto xarun yar oo hoos timaada Djibouti oo u qaybisa internetka Somaliland. Halka Somaliland noqon karto xarun internetka gaadhsiin karta Africa oo Ethiopia kaw ka tahay, iyo in Berbera noqon karto xarun lagu kaydiyo xogaha oo shirkadaha dunidu xogtooda ku kaydsan karaan. Si kale haddaan u dhigo suuqa xadhiga internetka ee bada maraa waa sida tartanka ka dhaxeeya dekeda Berbera iyo mida Djibouti. Djibouti markay Dubai World heshiiska ku wada jireen ee aysan isku dhicin waxay heshiis DP World kula gashay inaan deked laga dhisi karin, laga casriyeyn Karin Berbera. Arinta xadhkaha internetkuna waa sidaas.

Aan eegno loolanka Djibouti ugu jirto inay noqoto xarunta xadhkaha internetka, xarunta kaydka xogta ee Bariga Africa. Djibouti waxa yimaada sideed xadhig oo ka kala yimaada bada Mediterraneanka, Bada Cas, iyo Bada Hindiya. Shirkadahaas waxa ka mid ah Gulf Bridge International (GBI), Transcontinental Europe India Gateway (EIG), EASSy, SEACOM, SEA-ME-WE 3, Aden-Djibouti regional cable, AAE-1 iyo Sea-Me-We-5. Djibouti waxay  2020kii ku dhawaaqday mashruuca loo yaqaan DARE1 oo isku xidhaya magaalooyinka Djibouti, Berbera, Bosaaso, Muqdisho iyo Mombasa. Waa xadhi 5000km bada dhex maraya. $86 million ayay gelisay Djibouti, waxayna ku leedahay 80% wadaag ahaan. Djibouti xadhkaha internetka ee dalkeeda yimaada waxay rejayni inay ka samayso lacag dhan qiyaastii $400 million sanada 2025ka. Lacagtan ayaa ka kala iman xadhkaha kiradooda, u qaybintooda oo la gaadhsiinayo Somaliland, Somalia, Ethiopia ilaa Kenya (Mombasa), kaydinta xogta,  iyo wixii la hilmaama.

Somaliland xagee loolanka kaga jirtaa?
Hal shirkad ayaa kooto loogu xidhay suuqa xadhaha internetka mudo 25 sano ah ilaa 2011 (xeer no 50/2011). Shirkada loo xidhay oo la dhaho Somcable waxay hoos imanaysay Djibouti oo ay kasoo qaadanaysay xadhiga internetka. Sanadkii 2016 waxa shirkada Telesom heshiis la saxeexatay OmanTel iyo shirkada Ethiopian Telecom si ay u keenaan xadhkaha internetka magaalo xeebeeda Berbera. Shirkada Xtera Communcation Inc. ayaa shaqadan xadhig keenida gacanta kku haysay waxase shaqada ka joojisay dawladii xiligaas jirtay ee madaxwayne Siilaanyo hoggaaminayay. Xadhiga la joojiyey oo la odhanayey Gulf to Africa (G2A) ayaaa ka imanayey magaalada Salaalax ee Cumaan, isagoo Berbera ka dibna dhulka loosii marin lahaa Ethiopia. Sababta loo joojiyey ayaa ahayd in xeer no 50/2011 sheegayo inaan la ogolayn xadhig kasoo dega dekedaha Somaliland iyo xadkeedaba oo qudha loo ogol yahay Somcable.
Waxase nasiib la laalay sharcigaas sanadkii 2020kii oo madaxwayne Biixi saxeexay xeer no 50.2020 kaasoo ka dhigay suuqa inuu xor yahay shirkad kastaana keensan karto xadhig. Waxa bishii labaad ee sanadkan midoobay shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom, Somtel iyo Somcable oo wada yeelanaya xadhkaha internetka ee Djibouti ka yimaada taasoo ahayd talaabo aad u wanaagsan yaraynaysana kharashka, kordhinaysana adeeg fidinta. Waxase suaashu tahay shirkadahani ma keenayaan xadhig internet oo ka baxsan mid ay kasoo qaataan Djibouti si ay tartan toos ah ula galaan dalkaas aan jaarka nahay oo iminka aynu u nahay adeeg qaybiyaal Djibouti hoos taga?

Dawlada Somaliland ma u qorshaysan tahay inay shirkadaha bixiya xadhkaha sida G2A ay Berbera isticmaalaan si aynu u noqono xarunta Ethiopia siisa Khadka Internetka ee xadhiga, si aynu u yeelano xarun kayd xogeed, aynaana ugu ogolaan in Djibouti noqoto Meesha xogteenu marto. Inkastoo madaxwayne Biixi booqashadiisi sanadkii hore ku tegay xarunta DARE1 ee xadhkaha internetka iyo kaydka xogta ee Djibouti, waxa muhiima inaynu ku baraarugno loolankan u baahan siyaasad iyo isteraajiyad wayn, halka aynu ka noqon lahayd dal dal kale u daba fadhiista fursad uu kaga fiicnaan karo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS