Damaca Itoobiya ee Jamhuuriyadda Soomaalida!

0
Wednesday May 04, 2022 - 10:18:21 in Articles by Hargaysa Office
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damaca Itoobiya ee Jamhuuriyadda Soomaalida!

    Damaca Itoobiya ee Jamhuuriyadda Soomaalida!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Damaca Itoobiya ee Jamhuuriyadda Soomaalida!
Damaca Itoobiya ee Jamhuuriyadda Soomaalida!

Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu sannadkii 2014kii soo saaray buuggiisa 'The Ogaden Versus the Mythical Ethiopian Claim'. Buuggan waxa uu kaga jawaabayaa buug sida Jaamac sheegey mar dambe isaga soo gaadhay oo sannadkii 1977kii uu Jaamacadda Addis Ababa ku daabacay qoraagii Itoobiyaanka ahaa ee Mesfin Woldemariam oo uu cinwaan uga dhigay 'Somalia: The Problem Child of Africa'. Jaamac, marka uu si faahfaahsan uga warramo sheegashada beenta ah ee Itoobiya ee guud ahaan Soomaalida iyo gaar ahaan gobolka Soomaali Galbeed; qaybaha dambe ee buugga waxa uu kaga hadlayaa damaca soo jireenka ah ee Itoobiya ee Jamhuuriyadda Soomaalida. Waxa uu si weyn u soo bandhigayaa hagardaamooyinka tirobeelka ah ee ay Itoobiya u gaysatay Jamhuuriyaddii Soomaalida ee dhalatay sannadkii 1960kii iyo dhagarta maalinlaha ah ee ay waligeedba maleegi jirtay si aanay dawlad Soomaaliyeed oo xor ahi marnaba uga hanoqaadin gobolkan Geeska Afrika.


Jaamaca waxa uu dooddiisa qaybtan ku bilaabay "dawladda gumaysiga ah ee Itoobiya waxay si walba ugu dadaashay in ay liqdo guud ahaan dhulka iyo dadka Soomaalida ah ilaa cahdigii Menelik. Markii ay socdeen wadahadalladii Ingiriiska iyo Itoobiya ee lagu doonaayay in gobolka Soomaali Galbeed lagu wareejiyo Itoobiya, Ras Makonnen oo ahaa Haile Selassie aabbihii, waxa uu Ingiriiska si xooggan u waydiistay in Itoobiya lagu wareejiyo dhul balaadhan oo ay ku jirto ilaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Dhinaca kale, boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie waxa uu geed walba u fuulay sidii aanay Jamhuuriyaddii Soomaalidu xorriyad u qaadan lahayn. Markii dadaalladaasi guuldarraysteen, waxa ay Itoobiya ku dadaashay in Jamhuuriyadda Soomaalidu ay noqoto mid aan lahayn wax ciidan ah oo difaaci kara, sidoo kalena ay noqoto dawladda ugu tamarta daran ee adduunkaba ka jirta. Sannadihii 1950meeyadii, markaas oo Koonfurta Jamhuuriyadda ay xukumaysay dawladii Wasaayda Qaramada Midoobay ee Talyaanigu, waxa dhalinyaro kooban oo Soomaali ah loo qaaday dalka Talyaaniga si ay u soo qaataan tababar militari. Boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie, waxa uu abaabul ka bilaabay dawladaha reer Galbeedka dhexdooda, isaga oo ka codsanaayay in dawladda Soomaaliyeed ee mustaqbalka dhalan doontaa, marnaba aanay yeelanin wax ciidamo militari ah. Iyaga oo fulinaaya damaca iyo rabitaanka Itoobiya; qaar ka mid ah dawladaha reer Galbeedku, waxay Soomaalida u sheegeen, in dawladdooda mustaqbalku aanay awoodin dhaqaale ahaan in ay dhistaan ciidamo militari. Cabdillaahi Ciise oo ahaa Raysalwasaarihii dawladdii daakhiliga ahayd; waxa uu ku dadaalay in uu qariyo waxa ay Soomaalidu damacsanyihiin ilaa maalinta xorriyadda la qaadan doono lagu dhawaaqo. Markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqeen maalinta xorriyadda; saraakiishii ugu horraysay ee loo tababaro ciidamada militariga Soomaaliya ayaa laga soo wareejiyay booliiska. Raggaas waxa ka mid ahaa Maxamed Faarax Caydiid iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Raggaasi waxay udub dhexaad u noqdeen dhismaha ciidamada militariga Soomaaliya. Waxaana si rasmi ah loo asaasay ciidamada militariga ee Soomaaliya bishii April 12, 1960kii. Waa xilli aan wali xorriyadda la qaadanin.

Xorriyadda ka dib; dawladaha reer Galbeedku waxay wali sii wadeen in Jamhuuriyadda cusub ee Soomaalida ay u sheegaan inaanay marna dhinacooda ka heli doonin wax kaalmo ah oo ciidan. Reer Galbeedku waxay diideen in ay siiyaan xattaa hub ku filan in ay Soomaalidu isku difaaci karaan oo kaliya. Raysalwasaarihii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, isaga oo ciidamada Soomaaliya u raadinaaya kaalmo ciidan, waxa uu safar ku tagay sannadkii 1962kii caasimadaha reer Galbeedka ee Washington, London, Bonn iyo Roma. Dawladahaasi, waxay si wadajir ah Soomaalida ugu oggolaadeen kaalmo kooban oo si fudud loogu qalabayn karo ciidamo aan ka badnayn 5,000 oo askari. Kaalmadaas kooban waxa shuruud looga dhigay inaanay Soomaalidu, marnaba dawlad kale waydiisan karin wax kaalmo militari ah. Xilligan loo diiddanyahay in Soomaaliya ciidan ay isku difaacdo ay samaysato, Itoobiya waxay lahayd 30,000 oo militari tababaran ah oo joogto ah iyo kumannaan aan joogto ahayn oo hub nooc walba ah ka hela reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka. Raysalwasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuu ka biyodiiday soojeedinta reer Galbeedka, waxaanu Soomaaliya u hoggaamiyay dhinaca Midawgii Soofiyeeti, kuwaas oo hub nooc walba ah iyo tababar nooc walba ah siiyay Jamhuuriyaddii Soomaalida.

Itoobiya, waxay reer Galbeedka ugu jirtaa, marka laga halaayo arrimaha Bariga Afrika, mid la mid ah kaalinta ay Israel ugu jirto siyaasadahooda Bariga Dhexe. Sidaasidaraaddeed; burburkii Jamhuuriyadda ka dib; Itoobiya waxa ay fursad wanaagsan u heshay in ay si walba u walaaqdo arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Itoobiya waxa ay ku qanacday inaanay aamusiin karin baaqa gobannimadoonka ah ee Soomaali Galbeed, haddii ay dhisanto dawlad dhexe oo Soomaaliyeed oo awood leh. Sidaasidaraaddeed, waxay Itoobiya awooddeeda oo dhan isugu gaysay inaanay marna dawladi ka dhismin Soomaaliya. Iyada oo qorshahaas fulinaysa; Itoobiya waxa ay si joogto ah hub kala duwan ugu qaybin jirtay dhinacyada ku loollamaayay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya. Tusaale ahaan:

1. Warbixin lagu daabacay African Confidential 1997kii waxa lagu sheegey in Todoba baabuur oo xammuul ah oo ka yimid Itoobiya ay yimaaddeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee Shillaabo. Waxa hubkaas ka mid ahaa Qoryaha Kalashnikov iyo in ka badan Soddon Ton oo rasaas ah iyo ku dhawaad Labaatan Ton oo lidka Taangiga ah. Waxa la rumaysanyahay in hubkaas ay Itoobiya gelisay gudaha Soomaaliya. Waxa sidoo kale xogtan u xaqiijiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, guddiga dabagalka cunoqabataynta hubka ee Soomaaliya, bishii July 22, 2002dii.

2. Sida lagu sheegey warbixin lagu daabacay Horn of Africa Bulletin sannadkii 1996-7kii, Itoobiya waxa ay hub siisay saaxiibbadeeda Soomaaliya iyo xattaa kuwa ka soo horjeeda. Ujeeddada waxa lagu sheegey in Itoobiya ay doonaysay in xasiloonidarradu ay sii socoto loolankuna sii xoogaysto, dhinacyaduna aanay kala adkaanin. Sidoo kale, Itoobiya waxay hub iyo rasaas ku taageertay hoggaamiye kooxeedyadii isbahaysigii SNF (Somali National Front) sannadkii 1997kii iyo Cabdillaahi Yuusuf, sannadkiii 2000.

3. Itoobiya si ay u fashiliso shir dib u heshiisiineed oo Soomaalidu ay Qaahira ku yeesheen; mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Itoobiya ay taageeri jirtay ayaa Muqdisho ku afduubtay shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas iyo shaqaale kale oo garaarka ka shaqaynaayay sannadkii 1998kii. Isla hoggaamiye kooxeedkaas ayaa sannadkii 2000, si loo fashiliyo shirkii Carta, mar kale Muqdisho ku afduubtay shaqaale ka tirsan Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn.

Kuwani dhammaantood waa ficillo argagixisonimo oo ay Itoobiya gaysatay. Geeridii Maxamed Faarax Caydiid ee August 01, 1996kii ka dib; Itoobiya waxa ay duullaan toos ah, dil iyo dhac balaadhan ka gaysatay gudaha Soomaaliya. Waxa ay si gaar ah u bartilmaameedsatay dadkii iyada ka soo horjeeday ilaa ay markii dambe xoog ku soo gashay qaybo ka mid ah dalka. Markii Soomaalidu ay dawladda ku soo dhisteen Carta sannadkii 2000, waxa Raysalwasaare loo magacaabay Cali Khaliif Gallaydh. Raysalwasaare Gallaydh waxa uu bishii March, 2001dii waraaq cabasho ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Raysalwasaaruhu waxa uu Golaha Ammaanka ka codsaday in ay Itoobiya ka baxdo gobolada ay ciidamadeedu joogaan ee gudaha Soomaaliya sidoo kalena ay joojiso farogelinta ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Mar kale, Itoobiya, iyada oo kaashanaysa saaxiibbadeeda reer Galbeedka iyo qabqableyaashii gudaha, waxa ay fashilisay dawladdii lagu soo dhisay Carta, waxaanay abaabushay shirkii qabqableyaasha Soomaalida ee Kenya, shirkaas oo ay iyadu maalgelisay, reer Galbeedkana waxa ay uga raadisay aqoonsi.

Mar kale, Itoobiya waxa ay xoog ku qabsatay Soomaaliya, ilaa caasimadda Muqdisho, iyada oo kaashanaysa saaxiibbadeeda reer Galbeedka. Sida aan ka soo xigtay mid ka mid ah qabqableyaashii Itoobiya saaxiibka dhaw la ahaa muddada dheer; Lixdii sannadood ee ugu dambeeyey (2008/9kii ilaa 2014kii), Itoobiya waxa ay fursad u heshay in ay si weyn u dhexgasho Soomaaliya oo dhan, waxaanay gudaha Soomaaliya ka fulisay boqolaal dil ah oo ay u gaysatay dad iyada ka soo horjeeday. Dilalkan ay Itoobiya ka fulisay gudaha Soomaaliya, waxa inta badan lagu eedeeyey in ay gaysteen ururka Al Shabaab. Markii Itoobiya ay ku jabtay qabsashadii Soomaaliya, lamahuraanna ay noqotay in ay ka baxdo Soomaaliya, reer Galbeedka iyo Itoobiya waxa ay ku dadaaleen in ay kala jabiyaan xooggagii wax-iska-caabinta ee Soomaaliya, taas oo ilaa xad ay ku guuleysteen, xalka dhibaatada Soomaaliyana mar kale sii durkisay. Waxa la yaab leh, waxaas oo dhibaatooyin ah oo ay Itoobiya ka gaysatay gudaha Soomaaliya, wali reer Galbeedku way taageersanyihin, waxaana cunaqabatayn la saaray dawladda Eritrea oo aan wax farogelin ah ku haynin arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Ugu dambayntii; Itoobiya waxa ay muddo ka fikiraysay sidii ay Soomaaliya jiritaankeeda dambe u wiiqi lahayd. Mid ka mid ah guulaha waaweyn ee ay Itoobiya gaadhay waxa ka mid ah waxa loo bixiyay Dastuurka Kumeelgaadhka ah oo ay Itoobiya soo qaabaysay. Ujeeddada iyo nuxurka ugu weyn ee Dastuurkani waxa weeye in meesha laga saaro awoodaha dawladda dhexe ee Soomaaliya; awoodda rasmiga ahna la siiyo maamulgobolleedyo maqaarsaar ah; maamulgobolleedyadaas oo dhammaantood xuduud la leh gobolka ay Itoobiya gumaysato ee Soomaali Galbeed; taas oo Itoobiya u sahli karta in ay si fudud gudaha u soo geli karto maamulkii ay doonto ee danaheeda ka hor yimaadda. Dastuurkani waxa uu meesha ka saarayaa wadahadal kasta oo macno leh oo dhexmari kara Soomaalida Koonfureed iyo kuwa Waqooyi, sababtu waxa weeye, waxa uu guud ahaanba meesha ka saarayaa awooddii ay dawlad dhexe oo Koonfur ka dhisantaa kula xaajoon lahayd Somaliland. Run ahaantii; Dastuurka Kumeelgaadhka ahi, waa mid ka mid ah guulaha waaweyn ee taariikhiga ah ee ay Itoobiya ka gaadhay burburinta iyo wiiqitaanka dawladnimada runta ah ee Soomaaliya. Tixgelin kasta oo mustaqbalka la siiyo Dastuurkan ay Itoobiya soo samaysatay iyo hirgelintiisa, waxa ay noqon doontaa khiyaamo laga galay qaranka Soomaaliya”.

Ilaahay ha u naxariisto Mujaahid Jaamac Maxamed Qaalib oo Jabbuuti ku geeriyooday April 26, 2022ka laguna aasay Hargeysa.

Qora: Nageeye Cali Khaliif


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS