Taarikhda Wasiir Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala danbeeyay Ee Somaliland Oo Hargaysa Ku Geeriyooday?

0
Friday February 03, 2023 - 14:19:34 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taarikhda Wasiir Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala danbeeyay Ee Somaliland Oo Hargaysa Ku Geeriyooday?

    Taarikhda Wasiir Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala danbeeyay Ee Somaliland Oo Hargaysa Ku Geeriyooday?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikhda Wasiir Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala danbeeyay Ee Somaliland Oo Hargaysa Ku Geeriyooday?




Geerida siyaasi Axmed Xaaji Cali Cadami
  ilaahay ha u naxariisto Axmed Xaaji Cali Cadami oo ahaa oday weyn oo siyaasi ahaa oo ku geeriyooday maanta oo jimce ah 3.2.2023 gurigiisa magaalada hargeysa , siduu ii xaqiijiyay goor dhoweyd Wasiirka Hawlaha guud ee jamhuuriyada Somaliland Musadafe Maxamuud Cali Bile . Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskiisii , ehelkii, qaraabadii , asaxaabtiisii , qaranka somaliland , iyo guud ahaa dadka soomaalida oo uu usoo shaqeeyay . HOOS KA AKHRISO TARRIKHDIISA oo hore aan ugu qoray WARJIRE BOOK .


 
Axmed Xaaji Cali oo loo yaqaanno "Cadami” waxaan aanu isku baranay shaqada aan hayay ee warbaahinta oo isaguna uu ahaa gudoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland ee ugu  ee 2001 ee uu magacaabay madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal. waxaan ku aqaannaa nin howlkar ah oo maamulka aad u yaqaana maadaama uu muddo dheer soo ahaa maareeyihii guud ee wakaaladii dekedaha soomaaliyeed.
Mudadii uu ahaa gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami waxay ka soo dabbaasheen howlo adag oo ahaa doorashooyinkii ugu horeeyay ee golayaasha deegaanada Somaliland laga qabtay ee uraradii siyaasadda ee ugu horeeyay ku tartamaan oo todoba urur ahaa ee bishii December 2002.
Waxaa todobadii urur siyaasadeed ugu codad badnaa oo u soo gudbay xisbiyo qaran oo siyaasadeed saddexdii xisbi ee UDUB, KULMIYE, iyo UCID oo dabadeed u tartamay doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenbka ee bishii April 2003.
Gudoomiye Axmed Xaaji Cali Cadami iyo xubnihii kale ee gudiga doorashooyinka oo ka koobnaa todoba xubnood {lix nin iyo hal gabadh oo ahayd shukri xaaji Bandare} waxay ku dhawaaqeen natiijadii doorashada madaxweynaha maalmo ka dib. waxaa 80 cod oo keli ah ku guuleystay murashaxii xisbigii talada hayay ee xisbiga UDUB ee Daahir Rayaale Kaahin oo ka guuleystay Murashaxiintii kale ee xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID feysal cali waraabe.
Maalin adag ayay ahayd maalintaasi uu natiijada ku dhawaaqay Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaga iyo gudigii doorashadaba taageerayaashii xisbiga Kulmiye ay eedo badan u soo jeedinayeen inay ugu shubeen dhinacii murashaxii xukuumada. laakiinse Cadami oo ah oday cabqari ah uma dhaqaajin wax beer-nugeyl ah ee wuxuu ku celceliyay "sidii ilaahay nagu ogaa ayaanu ku garsoornay doorashada”. munaasabado badan oo maalintaasi ka mid ahayd ayaan arimaha doorashooyinka ka wareystay Axmed Xaaji Cali Cadami iyo arimo kaleba sida mudadii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga Somaliland ee xukuumadii madaxweyne Axmed siilaanyo. waa oday aftahan ah oo dhegeystayaashu ku raaxeystaan marku hadlaayo siiqada ereyadiisa iyo siduu u yaqaanno dhaqanka soomaalida iyo deegaanada kala duwan.
Axmed Xaaji Cali "Cadami” wuxuu ku dhashay degmada ceerigaabo sanadkii 1942, wuxuuna waxbarashadiisii hoose ilaa dhexe ku qaatay magaalada cadan ee dalka yemen, siduu ii sheegay mar aan taariikhdiisa ka wareysanaayay 10-kii bishii December 2018. wuxuu ii sheegay inuu shaqo iyo tababar isku jira ka helay ciidankii ingiriiska ee joogay magaalada Cadan oo uu uga shaqeyn jiray makhaasiinada kaydka iyo saadka ilaa iyo sanadkii 1965.
Cadami wuxuu ii sheegay inuu dabadeed ku soo laabtay dalkii hooyo gaar ahaan magaalada Berbera 1968, halkaasoo uu shaqaale ka noqday dekedda berbera ilaa uu ka gaadhay maareeyaha dekedda Berbera 1969. kadib waxaa la ii bedelay ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami inuu noqdo maareeyihii guud ee wakaaladii dekedaha soomaaliyeed oo fadhigiisu ahaa magaalada muqdisho, xilkaasoo uu sheegay inuu hayay 1971 ilaa iyo 1991 ee burburkii dowladdii dhexe ee Somaliya.
Axmed Xaaji Cali Cadami wuxuu dabadeed ku soo noqday Somaliland oo uu ka mid ahaa odayaashii ka qayb galay shirweynihii beelaha Somaliland ee dib u heshiisiinta iyo aayo ka tashiga ee magaalada Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland 18may 1991. wuxuu kaloo ii sheegay inuu ka qayb galay shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada borama 1993 ee markii danbe madaxweynaha loogu soo doortay Madaxweynaha Maxamed Xaaji ibraahim cigaal. wuxuu noqday Cadami wasiirkii wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ee xukuumaddii Cigaal ee ugu horeysay ee 1993, kadibna gudoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland ee ugu  uu u magacaabay madaxweyne cigaal, xilkaasoo ay hayeen gudigaasi ilaa iyo sanadkii 2004 , markaasi kadib oo uu Axmed Xaaji Cali Cadami ku biiray xisbigii mucaaridka ahaa ee kulmiye.
Cadami waxaa uu noqday wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ee Somaliland sanadkii 2010 markii uu madaxweynaha noqday Axmed siilaanyo, xilkaasna waxa uu hayay ilaa iyo sanadkii 2017 oo loo doortay madaxweynaha somaliland muse biixi cabdi .
mudooyinkii danbe marxuumku wuxuu jiifay gurigiisa hargeysa oo aan ku booqday hore  , wuxuu geeriyooday maanta oo jimce ah 32.2023 sida uu ii xaqiiyay wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee somaliland musdafe maxamuud cali bile .

     Axmed Saciid Cige
       Warjire Book
SAWIRK; ;  waa Marxuum axmed Xaaji Cali Cadami & weriye Axmed Saciid Cige , 14june2015 .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS