[ XOG -] Badhasaabka Togdheer Oo Fadeexad Kala Kulmay Munaasibadii Lagu Heshiisiiyay Labadii Beelood Ee Ku Dagaalamay Hawdka Burco?

0
Saturday May 27, 2023 - 10:32:39 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [ XOG -] Badhasaabka Togdheer Oo Fadeexad Kala Kulmay Munaasibadii Lagu Heshiisiiyay Labadii Beelood Ee Ku Dagaalamay Hawdka Burco?

    Badhasaabka Togdheer Oo Fadeexad Kala Kulmay Munaasibadii Lagu Heshiisiiyay Labadii Beelood Ee Ku Dagaalamay Hawdka Burco?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Togdheer Oo Fadeexad Kala Kulmay Munaasibadii Lagu Heshiisiiyay Labadii Beelood Ee Ku Dagaalamay Hawdka Burco?



Burco [Irmaan News] Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahim "Nafaqo", ayaa fadeexad kala kulmay shirkii lagu heshiisiinaayay labada ardaa walaalaha ah ee dagaalku ku dhex-maray deegaanka Hawdka Burco

Badhasaabka oo ah masuulka ugu sareeya gobolka ayaa la arkay isaga oo xidhiidhinaya munaasibadda nabad xidhka labada beelood xili xoghayaha gobolka iyo masuulkii wasaaradda warfaafinta u qaabilsanaa gobolka Xaadir ahaayeen


Hab-maamuuska ama baratakoolka ayay tahay in masuulka ugu sareeya gobolka aanu xidhiidhin munaasibadaha balse ay jiraan xubno u xil saaran hawlahaasi

Xiliga badhasaabku munaasibada xidhiidhinayo waxa joogo wasiiro, masuuliyiinta ugu sareeya mucaaradka iyo madaxda dhaqanka somaliland

Xubnaha siyaasadda falan-qeeya ayaa si adag u duray badhasaabka waxaana ay ku tilmaameen mid aan wax badan ka fahansanayn nidaamka maamul iyo qaabka loo xaliyo hab maamuuska xafladaha nidaamkooda maamul sareeyo

Ilo wareedyo ay heshay Irmaan News, ayaa u xaqiijiyay in badhasaabku uu sas xoogan ka qabo warbaahinta isla markaana ay ku adkayd in cid nidaamka xidhiidhinta ku wanaagsan oo uu ku kalsoon yahay aanay jirin madaama maalmihii u danbeeyay dhaliilo kala kulmaayay qaybaha bulshadda

Warbaahinta Togdheer, ayaa iyaguna walaac ka qabo wadda shaqaynta badhasaabka taas oo sababtay in masuulkani u hanjabo weriyayaal gudbiyay cabashooyin badhasaabka ka soo hor-jeedda .

Isha Xogta:- Irmaan News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS