[ XOG XAASAASI Ah :-] Madaxweyne Biixi Oo Ku Fashilmay Xal U Helida Dagaalka Togdheer Iyo Labadii Beelood Ee Dagaalku Dhex-maray Oo Mid Ka Mid Ah Loo Hiiliyay & Shaki Dhacay?

0
Monday June 05, 2023 - 10:32:00 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [ XOG XAASAASI Ah :-] Madaxweyne Biixi Oo Ku Fashilmay Xal U Helida Dagaalka Togdheer Iyo Labadii Beelood Ee Dagaalku Dhex-maray Oo Mid Ka Mid Ah Loo Hiiliyay & Shaki Dhacay?

    Madaxweyne Biixi Oo Ku Fashilmay Xal U Helida Dagaalka Togdheer Iyo Labadii Beelood Ee Dagaalku Dhex-maray Oo Mid Ka Mid Ah Loo Hiiliyay & Shaki Dhacay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Ku Fashilmay Xal U Helida Dagaalka Togdheer Iyo Labadii Beelood Ee Dagaalku Dhex-maray Oo Mid Ka Mid Ah Loo Hiiliyay & Shaki Dhacay?



Burco [Irmaan News] Xukuumadda somaliland, ayaa weli u taag wayday inay la tacaasho xaalada dagaal ee gobolka Togdheer

Colaada labada beelood ee walaalaha ah ee Ciise Muuse iyo Habaryoonis, ayaa isku qabtay deegaano cusub oo la sheegay inay bilowday beesha Ciise Muuse

Madax dhaqameed kala duwan oo ka qayb galay oo labada beelood ka kala tirsan ayaa ku guul-daraystay inay fuliyaan dhaartii ay mareen madaama ay Burco fadhiyaan oo aanay tegin deegaanadii dhibtu ka jirtay


Labo ciidan oo labada beelood ah ayaa isku horfadhiya deegaanada labada beelood isku hayaan

Wasiiradii ugu badnaa ayaa magaaladda u jooga sidii u xalin lahaayeen dhibta taagan balse waxa ay kharashkii ugu badnaa ku qaadanayaana magaalada iyaga oo aan wax talaabo ah u qaadin deegaanada dhibtu ka jirto marka laga tago deegaano ay kormeer ku mareen kuwaas oo cida isku haysata aan la garanayn

Xiisadda labada beelood ayaa marba marka ka danbaysa ka sii daraysa iyada oo ilaa iminka aan xal loo helin ciidamada labada dhinac isku hub urursaday

Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi, oo burco tegay si xal ugu helo xiisada labada beelood ayaan wax weyn soo kordhin isla markaana aan xalin dhibtii meesha taalay

Labada beelood oo markii hore isu soo dhawaanayay ayaa kala shakiyay ka dib markii la bedelay taliyihii qaybta Togdheer, isla markaana la magacaabay taliye la hayb ah labada beelood ee dagaalamaya mid ka mid ah

Taliyaha la bedelay ayaa ka soo jeeday gobolka Hawd, waxaana taliyaha cusub ka soo jeedda degmadda gabiley


Isha Xogta :- Irmaan News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS