[Deg Deg :-] Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Miyaa Xilkii Laga Qaaday Iyo Ciidan La Wareegay Baarlamaanka?

0
Tuesday June 06, 2023 - 14:46:27 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Deg Deg :-] Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Miyaa Xilkii Laga Qaaday Iyo Ciidan La Wareegay Baarlamaanka?

    Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Miyaa Xilkii Laga Qaaday Iyo Ciidan La Wareegay Baarlamaanka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Miyaa Xilkii Laga Qaaday Iyo Ciidan La Wareegay Baarlamaanka?


Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland  ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, taasi oo ah in la laalo meeshana laga saaro xubinnimada Golaha Wakiillada ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ku eedaysay in uu si cad uga hor yimid jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, kadib markii uu taageeray Go'aankii Garaadada iyo Guddigii 33ka ahaa ee ku shiray Laascaanood.


Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay in uu ka been sheegay dhaartii uu ku dhaartay in uu Daacad u noqonayaa dalka Somaliland, dadkiisana ku maamulayo sinnaan iyo caddaalad.

Waxaa kale oo kamid ah  eeddaha loo haysto Cabdirisaaq Khaliif,  in uu 20 fadhi ka maqnaa Golaha Wakiillada cudur daar la'aan iyo in Ciidanka Qaranka Somaliland uu ku eedeeyay in ay gaysteen xasuuq, iyagoo waajibaadkooda gudanaya, sida xeer ilaalinta Somaliland sheegtay

Golaha wakiilada somaliland, ayaa laga bedelay ciidankii hore u ilaalin jiray waxaana la keenay ciidan cusub

Isha Xogta:- Irmaan News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS