Komishanka doorashooyinka somaliland oo Talaabo Fadeexad ah ku Kacay Iyo Hub Lala Soo Baxay & Masuul Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeya Waddani?

0
Sunday June 18, 2023 - 09:37:38 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka doorashooyinka somaliland oo Talaabo Fadeexad ah ku Kacay Iyo Hub Lala Soo Baxay & Masuul Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeya Waddani?

    Komishanka doorashooyinka somaliland oo Talaabo Fadeexad ah ku Kacay Iyo Hub Lala Soo Baxay & Masuul Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeya Waddani?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka doorashooyinka somaliland oo Talaabo Fadeexad ah ku Kacay Iyo Hub Lala Soo Baxay & Masuul Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeya Waddani?


 

BURCO – (Irmaan News) Komishanka doorashooyinka somaliland, oo wejiga labaad ee kaadh qaybinta ka wadda goboladda Togdheer, Maroodijeex iyo Sool, ayaa ku kacay khaladaad dhib ku ah qaadashada kaadhka codeynta

 

Goob ku taalla magaaladda Burco, gaar ahaan xaafadda Maxamed Cali, ayaa waxa ka dhacay ceeb iyo fadeexad ka dib markii nin aan somaliland u dhalan u yimi inuu qaatan kaadhka muwaadinka taas oo sababtay buuq iyo in goobtii qaylo ka dhacdo

 

Xubnaha komishanka ayaa diiday inay ninkaas siiyaan kaadhka waxaana goobta soo gaadhay gudoomiyaha komishanka ee gobolka togdheer kaas oo lagu magacaabo Farxaan, wuxuuna u sheegay xubnaha komishanka inay ninka siiyaan kaadhka isla markaana uu yahay nin Habaryoonis ah buuq dheer ka dib waxa goobta yimi xubno ka socda komishanka heer qaran ee somaliland kuwaas oo shaqaalaha dhegaystay isla markaana waydiiyay dhibta jirta

 

Shaqaalaha ayaa u sheegay inay kitaab gacanta saareen isla markaana ninka uu yahay nin jareerweyn ah aanu xaq u lahayn kaadhka balse hadii awood lagu siinayo aanu iyaga khusayn waxaana la tix-geliyay go,aankii shaqaalaha komishanka ee goobtaasi

 

Gudoomiyaha komishanka ee gobolka Togdheer, ayaa hub ula soo baxay shaqaalaha si ugu cabsiiyo balse taasi ma baqo gelin oo shaqadooda kama ay hamran waana talaabo bogaadin mudan

 

Gobolka Togdheer, waxa masuul uga ah komishanka doorashooyinka Somaliland, wiil lagu magacaabo Xuseen Bidhaani, kaas oo si hoose ula shaqaynaaya xisbiga Waddani



Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ayaa Maanta Daahfuray Diwaangalinta Codbixiyayaasha Somaliland • Oodweynenews.com Oodweyne News 

Ninka dhalinyarada ah ayaa sida ilo wareedyo u xaqiijiyay Irmaan News, wuxuu si hoose cadaadis u saaray goobo ay degaan beesha bariga Burco, isaga oo kaadhadhkoodii caqabad ku noqday

 

Dhawr khalad oo dhacay aan tilmaamo

 

1. Komishanka ayaa khalday goobo hoos yimaada Togdheer, oo lagu qoray deegaanka Oodweyne, oo isaga laftarkiisu ka tirsan Togdheer

 

2. Kaadhadhka la bixiyay waxa aan weli la sixin oo jira in goob isku mid ah laga bixiyay labo kaadh oo midna A, yahay Midna B, kuwaas oo isku goob laga bixiyay

 

3. Qofka kaadhka ka qaatay qorilugud ayaa  loo sheegay inuu warqada u doonto deegaan kale oo aan ahayn kii uu ka qaatay

 

Komishanka ayaa habacsanaan ka muuqataa waxaana masuulkan gobolka uga wakiilka ah yahay mid aan daacad u ahayn shaqada loo igmaday ee daano gaar ah ka leh shaqada isaga oo khikhsiyaad ku raali gelinaya

 

Xuseen Bidhaani, waa masuul ay isku deegaan yihiin madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi, balse lama oga sababta uu xisbiga Waddani ula shaqaynaayo si hoose oo aan cidna ogayn

 

Isha Xogta = Irmaan News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS