[ DEG DEG -] Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabis Sameeyay?

0
Sunday June 25, 2023 - 13:39:25 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [ DEG DEG -] Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabis Sameeyay?

    Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabis Sameeyay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabis Sameeyay?



Wareegtooyin Madaxweyne-25-06-2023.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu magacaabid iyo Isku-Bedel ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-


Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Maxamed Cilmi Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In aan Guddomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Xasan Daahir Xaddi Abraar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Bashiir Sheekh Cumar Good laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Safiirka Dalalka Maraykanka iyo Kanada u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS