[ XOG -] Madax Dhaqameedkii Muqdisho Ka Yimi Oo Ku Guul-daraystay Inay Garaaddada Gobolka Sool Ku Qanciyaan Nabadda?
Madax Dhaqameedkii Muqdisho Ka Yimi Oo Ku Guul-daraystay Inay Garaaddada Gobolka Sool Ku Qanciyaan Nabadda?
Hargaysa [ Irmaan News] Madax dhaqameedkii ka yimi magaaladda Muqdisho oo bilihii ugu danbeeyay ku sugnaa somaliland, ayaa ku guul-darraystay inay xal ka gaadhaan dagaalka Laascaanood Madax dhaqameedka oo kalsooni ka haysta dawlada soomaaliya Iyo xukuumadda somaliland, ayaa waayay kalsoonida garaaddada oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee ay la kalmaan Garaaddada Laascaanood, ayaa diiday inay ogolaadaan inay qaataan nabada isla markaana xal la gaadho si loo soo af-jaro xiisada taagan Ilo wareedyo ayaa Irmaan News u xaqiijiyay in la filayo in madax dhaqameedku Muqdisho dib ugu laabtaan madaama ay dhinacii garaaddada wax kalsooni ah ka waayeen Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa eedaymo adag u jeediyay dawlada federaalka ee soomaliya, wuxuuna si cad u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Bare, ay la safteen somaliland Dagaalka Laascaanood, ayaa salka ku haya Is-diidooyin siyaasadeed kuwaas oo u dhaxeeya somaliland, soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland . Isha Xogta:- Irmaan News Leave a comment |
Copyright © 2019 - 2024 Warbaahinta Irmaan All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
[ XOG -] Madax Dhaqameedkii Muqdisho Ka Yimi Oo Ku Guul-daraystay Inay Garaaddada Gobolka Sool Ku Qanciyaan Nabadda?
Madax Dhaqameedkii Muqdisho Ka Yimi Oo Ku Guul-daraystay Inay Garaaddada Gobolka Sool Ku Qanciyaan Nabadda?