[XOG -] Wasiiro Madaxweyne Biixi Isku Deegaan Yihiin Oo Ka Cadhooday Shirkii Kulmiye?

0
Monday August 21, 2023 - 19:27:43 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [XOG -] Wasiiro Madaxweyne Biixi Isku Deegaan Yihiin Oo Ka Cadhooday Shirkii Kulmiye?

    Wasiiro Madaxweyne Biixi Isku Deegaan Yihiin Oo Ka Cadhooday Shirkii Kulmiye?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiro Madaxweyne Biixi Isku Deegaan Yihiin Oo Ka Cadhooday Shirkii Kulmiye?


Saddexda Wasiir ee gobolka Saaxil ku metela xukumada ayaan maanta ka qayb gelin shirkii golaha dhexe KULMIYE ee lagu doortay hogaanka 5 sanno hagi doona Xisbiga.

Wasiirrada Eng Cali Xoor, Sacad Cali Shire ee aan ka qayb gelin shirka ayaa mar ay kasoo wada baxeen magaalada Burco ee shirku ka dhacaayay, sida la i sheegay Musharaxii gudoomiye ku xigeenka 1aad ee ay isku deegaanka ahaayeen Xildhibaan Cabdilaahi Muuse ee kasoo cararay goobta shirka kadib markii uu ku qanci waayay hanaan wax u socdeen, sheegayna inuu  tanaasulay.


Wasiiradan oo danaynaayay in deegaankoodu ka kid noqdo hogaanka xisbiga ayaan la xaqiijin in maqnaanshiyahoodu uu xidhiidh la leedahay arinta Xildhibaan Cabdilaahi Muuse, halka Wasiir ku xigaanka amniga mudane Cabdilaahi aanu cagta dhigin Burco.

Gobolka Saaxil ayaa si wayn u danaynaayay inuu doorkan ka dhex mudho hoogaanka Xisbiga Kulmiye, si uu door muhiima uga qaato hagida siyaasada dalka ee wakhtigan baaxa dagaysa, ayaanay arintaasi u suuro gelin, kadib markii siyaasiyiintii xisbiga ugu jiray intoodi badnayd ee la tuhmaayay ay ka ma quurteen in ay isu sharaxaan hogaanka xisbiga, halka qaarna ay tanaasuleen.

~Samraawi Media


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS