Xukuumadda Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dagaalkii Laascaanood Ka Dhacay?

0
Wednesday August 23, 2023 - 10:48:47 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dagaalkii Laascaanood Ka Dhacay?

    Xukuumadda Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dagaalkii Laascaanood Ka Dhacay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dagaalkii Laascaanood Ka Dhacay?



Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa cambaareysay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, gaar ahaan aagagga Maraaga iyo Xargaga.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga, ayaa lagu sheegay in waddamada gobolka Bariga Africa iyo beesha caalamka ay ku war gelinayaan, in ciidamada Somaliland lagu soo qaaday weerar, weerarkaas oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiyooyin ka dagaalama Laascaanood.


Waxaa ay wasaaraddu sheegtay in ciidamada Somaliland ay iska caabiyeen ciidankii weerarka ku sooqaaday. Dhanka kale, waxay Puntland ku eedeeysay inay ka shaqeyneyso xasilooni darada Laascaanood, iyadoo danaheeda gaarka ah ka dhex raadineyso.

Warqadda waxaa intaas la raaciyay, in Somaliland ay si adag u cambaareyneyso falkaas, isla markaana ay garab istaag u muujinayso ciidankeeda oo ay sheegeen inay ilaalinayaan dhulkooda.

BBC Somali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS