Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku Soo Saaray Xubno Uu Magacaabay?

0
Tuesday September 19, 2023 - 18:59:18 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 245
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku Soo Saaray Xubno Uu Magacaabay?

    Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku Soo Saaray Xubno Uu Magacaabay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku Soo Saaray Xubno Uu Magacaabay?
WAREEGTO MADAXWEYNE: 19 /09/2023

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid 

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;


Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha; 

Markaan Tixgeliyey:  Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leeyahay Dhismaha, Sumcadda iyo Horumarka Qaranka; 

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir Magaca Xilka
1. Maxamed Baaruud Cali  Xubin
2. Maxamed Xasan Caalin Xubin
3. Mustafe Cali Cismaan  Xubin
4. Baashe Maxamuud Faarax Xubin
5. Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin
6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin
7. Muuse Jaamac Cigge   Xubin

Xubnahan oo sida sharcigu dhigayo ay soo xuleen Guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo madaxweynaha Qaranka u soo gudbiyey 14 xubnood si uu ugala soo baxo madaxweynuhu todobadan xubnood kuna magacaabo wareegto Madaxweyne,  Sidaa darteedna todobada xubnood ee kalena u noqdaan keyd xubnahaa madaxweynuhu ku magacaabay wareegtada.

 
ALLAA MAHAD LEH
  
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS