Shaqadii Burco Oo U Xaniban Maayirkii Degmadda Oo Hargaysa Fadhiya Iyo Cabasho Ka Taagan Wadooyinka Magaaladda?

0
Sunday October 01, 2023 - 11:11:06 in News by Hargaysa Office
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqadii Burco Oo U Xaniban Maayirkii Degmadda Oo Hargaysa Fadhiya Iyo Cabasho Ka Taagan Wadooyinka Magaaladda?

    Shaqadii Burco Oo U Xaniban Maayirkii Degmadda Oo Hargaysa Fadhiya Iyo Cabasho Ka Taagan Wadooyinka Magaaladda?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqadii Burco Oo U Xaniban Maayirkii Degmadda Oo Hargaysa Fadhiya Iyo Cabasho Ka Taagan Wadooyinka Magaaladda?




Burco [ Irmaan News ] Maayirkii magaaladda Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi "Herro", ayaa muddo bil ah fadhiya magaaladda Hargaysa, ee caasimadda somaliland

Maayir Herro, oo laga filaayay inuu horumar balaadhan ka hir-geliyo magaaladda labaad ee ugu dadka badan guud ahaan dalka ayaa shaqadiisii kaga mashquulay dalxiis u joogo caasimada maayirkii loo doortay aanu maalin nasan


Maayir Herro, ayaa daba socda maayir Cabdikariin Mooge, oo caasimada ka qabtay horumar lagu amaanay muddadii uu joogay

Caqabadaha ka taagan magaaladda Burco, waxa ka mid ah waddo xumo, qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda oo u xaniban ciid buux dhaafisay taas oo masuuliyiinta degmadaasi ay waxba ka qaban kari waayeen

Qaar ka mid ah bulshada oo cabasho u tegay xafiiska maayirka ayaa ku xigeenkiisa oo ku sugan wuxuu sheegay in maayirka oo Hargaysa, ku sugan uu kala hadlay cabashadooda isla markaana xal loo heli doono

Dhamaan waxyaabaha dhaqaaluhu ku xidhan yihiin oo saxeexa maayirka ku baxa ayaa xaniban madaama maayirku maqan yahay taasna waxa ay sababtay inaan wax shaqo ah socon

Maayir ku xigeenka degmadda Burco iyo xoghayaha dawladda hoose, ayaa iyagu ku hawlan ka garnaqa dhanka dacwadaha iyo waxyaabaha aan dakhli dhaqaale ku xidhnayn si ay u kala yareeyaan dadka tirada badan ee xafiisyada maamulka adeegyada u soo doontay

Maayirka degmadda Burco Cabdirisaaq Herro, oo la filaayay inuu wiil dhalinyaro ah yahay isla markaana ka mid ahaa dhalinyartii foolaadka ee gobolka oo wax badan dhaliili jiray maamuladii hore sheegayna in loo baahan yahay dhalinyaro is bedel abuurta ayaa iminka dabaashaad iskaga jira oo wax horumar ah aan ka qaban magaaladii halganka iyo xoriyada oo magaalo qiimo weyn ku leh guud ahaan somaliland .


Isha Xogta:- Irmaan News .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


LATEST NEWS